Wednesday, June 19th, 2013

Xaflad casho sharaf iyo soo dhoweeyn ah oo Gothenburg loogu sameeyay macalinkii Qodxaalay Maxamed Faarax + Sawirro

Published on December 2, 2012 by

(Gothenburg) 02 Dis 2012   Waxaa xalaytoole magaaladan Gothenburg ku qabsoomay xaflad lagusoo dhoweeynayay Maxamed Faarax Maxamed oo ka mid ah ragga haatan ka dhex muuqda kubadda cagta Soomaalida oo soo gaaray magaaladan Gothenburg.

Xafladda oo ay kasoo qaybgaleen maamulka labada kooxood ee Somalisk SK iyo Neutrala IF iyo qaar ka mid ah laacibiintooda ayaa waxaa soo abaabushay Sacdiyo Maxamed Furre (Sacdiyo Soomaali) oo ah fanaanad qaran oo ka tirsanayd kooxda Horseed ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Micraaj.

Waxaana xafladda oo ku dhacaysay jawi saaxiibnimo iyo mid is barasho waxaa ka hadlay inta badan maamulka labada kooxood iyo marti sharaftii kale oo ay ka mid ahaayeen Cali Yare Gaani, Macalin Aadan Oor, Ibraahim Qalinle, Maxamed Xuseen (Qaaluu),  Maxamed Diini, Macalin Faagte, Macalin Yoonis iyo Macalin Cumar.

Waxaana xafladda ka mahadceliyay Maxamed Faarax oo bahda isboortiga Gothenburg iyo guud ahaanba qurbaha ku boorriyay inay ku dadaalaan sidii ay saameyn wanaagsan ugu yeelan lahaayeen is walaashiga, midnimada iyo waxtarka guud. ”Been idiin sheegi maayee qabyaalladii Soomaaliya qurbaha ayaa loosoo safriyay” ayuu yiri Maxamed Faarax oo caddeeyay in gudaha dalka aysan dadku haatan xiise badan u qabin qabyaalad iyo qoqob balse uu la yaabay midda ka jirta qurbaha.

Xafladdan casho sharafta ah ayay sidoo kale maamulka labada kooxood ee Soomaalida ah ee ka dhisan magaaladan Gothenburg waxay ku gudoonsadeen inay sameeyaan iskaashi iyo iska warqab ka wanaagsan midka ay haatan sameeyaan iyagoo codsaday inay taageero isu muujiyaan marka ay midkood ciyaarayso iyadoo sanadkan ay kooxda Somaliska SK ay usoo baxday heerka 6-aad ee dalkan Sweden.

Ugu dambayntii ayaa gudoonka kooxda Somaliska SK Md Ibraahim Qaline wuxuu abaalmarin gudoonsiiyay Maxamed Faarax oo ahaan jiray kabtankii kooxda Qodxaalay oo uu markii dambana macalin u noqday isagoo sidoo kale haatan ah milkiilaha kooxda Savana oo ka ciyaarta heerka 2-aad ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Faarax ayaa sidoo kale ka mid ahaa Junyarkii kooxda Horseed ee xoogga dalka oo uu kula guulaystay koobka da’yarta oo ay Horseed qaaday sanaddii 1984-kii.

Gool FM, Gothenburg

Comments

comments


Wararka

Cavani

Chelsea oo 24-ka saac ee soo socota wada hadalo la yeelaneysa Cavani….(Oo maxaa laga hadli?)

(London), 19 June 2013. Naadiga lagu naaneyso The ...
Ronaldo (5)

ARAGTI: C. Ronaldo ma yahay ciyaaryahanka ugu jir dhiska qurxoon kubadda cagta….(DAAWO SAWIRRO)

(Miami) 19 June 2013. Cristiano Ronaldo ayaa ahaa ...
Javier Martinez

Javier Martinez: “Waxaan rajeenayaa in hal maalin xitaa u ciyaaro sida Iniesta”

(Rio de Janeiro), 19 June 2013. Xiddiga qadka ...
top-11-conf-cup

MAKU RAACSAN TAHAY?: Waa kuwee 11-ka laacib ee ugu wanaagsan koobka qaaradaha?

(Brasilia) 19 June 2013 Waxay saacado yari inaga ...
Alcantara

Thiago Alcantara oo go’aansaday inuu ka soo tago Barcelona….(Kooxduu ku jeedaa!?)

(EFE) 19 June 2013. Warar soo ifbaxay maanta ...
teve

WAR CUSUB: Carlos Tévez oo la sheegayo inuu AC Milan ula kulmay si qarsoodi ah (Maxaa la isku raacay?)

(Milano) 19 June 2013 AC Milan ayaa la ...
GoolFM_logo2

TOOS: ELMAN 0 VS APR 1: “Ciyaartiina waa dhammaatay iyadoo guul laga gaaray Elman”

(El Fasheir) 19 June 2013. Tartanka kooxaha Bariga ...
bg_villa_65

Arsenal oo Spurs uga horeeysa iibsiga David Villa.!! (Akhri sababta!)

(London) 19 June 2013 Arsenal ayaa loo arkaa ...
Cesc and Bale

Fabregas: “Way waalantahay Real Madrid haddii ay 100-milyan kula wareegto Gareth Bale”

(Rio de Janeiro), 19 June 2013. Cesc Fabregas ...
GoolFM_logo2

GOOLFM oo si toos ah u tabinaysa kulanka galabta dhexmaraya Elman iyo APR

(Daarfuur) 19 June 2013. Idaacadda GOOLFM ee Muqdisho ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile