(Manchester) 07 Dis 2012 Kooxda Manchester United ayaa kaka xiriirinayaa laacibka khadka dhexe kubadda uga yeeriya Shakhtar Donetsk ninka lagu magacaabo Fernandinho.
Laacibka reer Brazil ayaa waxaa la fahmay inay iskula dhegan yihiin deriska reer Manchester ee United iyo Manchester City kadib hadalkii uu ka yiri aayihiisa ciyaareed iyo halka uu ku wajahan yahay.
27 jirkan oo la hadlayay webka calciomercato.com, ayaa laga qoray inuu yiri: ”Waxaan heshiis la gelayaa koox Ingiriis ah. Waxaana ka ciyaarayaa Manchester bisha Janaayo”
Waloow uu Fernandinho xaqiijiyay inuu Manchester u socdo waxaan la ogayn kooxda uu u ciyaari doono labada kooxood ee kala metela qaybta buluuga ah iyo qaybta cas ee magaaladaasi.
Gool FM