Wednesday, November 26th, 2014

Wararkii ugu dambeeyey Suuqa kala Iibsiga ciyaartoyda iyo Wargeysyada Ingiriiska

Published on August 30, 2012 by

Khamiis, 30/08/2012

Mousa Dembele oo kor u haya funaanaddiisa cusub ee kooxda Tottenham

Iyadoo maalin qura uu ka harsan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ingiriiska oo ku eg  31-ka Bishan August ayaa naadiyadu waxay ka gaarsiinayaan ciyaartoyda ay wada hadallada kula jiraan ka hor inta uusan Gambaleelku ku yeerin.

Suuqa ayaa marka uu xirmo berri waxa uu mar kale dib u furmi doonaa 1-da January 2013, waxaana wararkii ugu dambeeyey ee wargeysyadu ay ka qoreen Suuqa saakay ugu waaweynaa:
The Mirror:
Waxa uu daabacay in kooxda Kubadda Cagta Manchester City ee haysata Horyaalnimada Ingiriiska ay weeraryahankeeda Eden Dzeko oo 26-jir ah ku doonayso in ay ku dar dar geliso heshiiska ay Arsenal kaga doonayso weeraryahankeeda 23-jirka ah Theo Walcott iyadoo doonaysa in ay ku beddelato oo Dzeko aado dhinaca Emirates Stadium.

Daily Express:
Kooxaha Tottenham iyo Chelsea ayaa isugu soo haray doonista Weeraryahanka 25-jirka ah ee kooxda Marseille ee dalka Faransiiska Loic Remy oo ku qiimeysan 15-Milyan oo Gini.

The Sun:
Waxa uu qoray in kooxda Liverpool ay suurto gal tahay in ay la soo wareegto 27-jirka Weerarka kaga dheela kooxda Athletic Bilbao Fernando Llorente inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waase haddii ay go’aansadaan in ay iska iibiyaan Weeraryahankooda an Carroll.
The Guardian:
Manchester City ayaa tallaabo u jirta in ay gacanta ku dhigto inta aan albaabada la isugu dhufan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Daafaca Reer Brazil 31-jirka ah ee u ciyaara kooxda Inter Maicon, oo tababaraha naadigaasi Stramaccioni uu caddeeyay in daafucu u muuqdo mid ka tagaya kooxda Inter.
Daily Mail:
Waxa uu cinwaannadiis hore ku soo qaatay in kooxda Tottenham Spurs ay si rasmi ah ula wareegtay Weeraryahankii kooxda Fulham Mousa Dembele iyadoo ku qaadatay 15-Milyan oo Gini, waxaana uu ka garab ciyaari doonaa weeraryahanka kale ee Reer Belgium Jan Vertonghen oo ay horey isula ciyaari jireen iyagoo 10-jir ah.

25-jirkani ayaa horey 2009-kii Horyaalka Holland ula qaaday kooxda AZ Alkamaar ka hor intii xilli ciyaareedkii hore uusan imaan garoonka kooxda Fulham Caravan Cottage.
Metro:
Jariidaddani waxa ay qortay in kooxda Hamburg ee dalka Jarmalka ay isku dayayso in intii karaankeeda ah ay ku dadaasho sidii ay u soo xero gelin lahayd ciyaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee 29-jirka ah Rafael van Der Vaart inta uusan xirmi suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Daily Mail:
Kooxda Manchester City ayaa soo afjartay wada xaajood ay kula jirtay xidigga da’da yar ee 23-jirka ah, garabkana kaga ciyaara kooxda Swansea City Scott Sinclair, iyadoo kooxdaasi ku qancisay 6.2-Milyan oo Gini, waxaana Swansea ciyaaryahankaasi booskiisa ay wada hadal la bilowday Pablo Hernandez oo 27-jir ah, garabkana uga dheela kooxda Valencia ee dalka Spain oo ay miiska u saartay 5.1-Milyan oo Gini.
The Telegraph:
Goolhiyihii kooxda Inter Julio Cesar ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda QPR ee dalka ingiriiska, isagoo u saxiixay heshiis 4-sanadood ah, waxaana uu maray tijaabada caafimaad, iyadoo la guddoonsiiyay funaanaddiisa cusub ee naadiga.

Andre Villa Boas oo Tottenham ku soo dhoweynaya Mousa Dembele

Waxaa isku Duway Yaxye Yuusuf Khasaaro
Xafiiska Rennes -France


Wararka

Jack

Maxaa kasoo kordhay xaaladda dhaawac xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Jack Wilshere?

(London) 26 Nof 2014. Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda ...
Aguero

Daawo Sawirradii ugu xiisaha badnaa ee xalay laga soo qabtay kulankii Champions League ee Man City iyo Bayern Munich.. (Saddexleeydii Aguero!)

(Manchester) 26 Nof 2014. Aqristayaasheenna sharafta leh waxaan ...
reds

SAWIRRO: Kooxda Liverpool oo tababarkeedii ugu dambeeyey ku samaynaysa dalka Bulgaria

(Ludogorets) 26 Nof 2014. Kooxda kubadda Cagta Liverpool ...
vd

Daawo Sawirrada tababarkii ugu dambeeyey oo ay Arsenal isugu diyaarinayso kulanka Dortmund

(London) 26 Nof 2014. Kooxda kubadda Cagta Arsenal ee ...
4827__1770__ludogorets_champ_away_1000x600_517X310

Falanqeynta kulanka Champions League ee kooxaha Ludogorets Razgrad vs Liverpool

(Sofia) 26 Nof 2014. Liverpool oo rajadeeda sii ...
juventus-malmo-ff

Falanqeynta kulanka Champions League ee kooxaha Malmo FF vs Juventus

 (Malmo) 26 Nof 2014. Paul Pogba ayaa ku ...
RealMAdridBasilea_1409566187.274

Horudhaca kulanka Basel vs Real Madrid: Messi aragnaye muxuu sameyn doonaa Ronaldo?

(Basel) 26 Nof 2014.  Real Madrid ayaa raadinaysa ...
Arsenal-vs-B.Dortmund-800x500

Falanqeynta kulanka Champions League ee  kooxaha Arsenal vs Borussia Dortmund

(London) 26 Nof 2014. Klopp oo wata Dortmund ...
s

DAAWO: Laacib shil halis ihi ku qabsaday garoonka oo ay naftiisu khatar ku jirto + Sawirrada

(Sydney) 25 Nof 2014 - Laacibka cricket-ka ciyaara ...
s

TOOS u daawo: UEFA Champions League – Goolasha – LIVE (Goolasha & waraysiyada CL)

UEFA Champions League - Goals UEFA Champions League ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile