(Zurich) 09 Dis 2012 Waxaanu halkan idiinkugu haynaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wargaysyada caalamka:Kooxda haysata horyaalka Spain ayaa doonaysa inay safkeeda kusoo biiriso xidigga Rayo Vallecano bisha soo socota si uu u metelo gobolka Castilla balse waxaa kula loollamaysa kooxda ay deriska yihiin ee Rayo Vallecano de Madrid, S.A.D. oo wada xaajood meel wanaagsan maraya kula jirta laacibkan reer Brazil.
Isha: AS
Wiilasha Walter Mazzarri ayaa doonaya inay daafaca iska xajiyaan iyagoo ku tallamaya inay suuqa jiilaalka ka faa’iidaystaan si ay usoo qaataan daafaca Udinese si ay usii noolaato qadiyadooda ku aadan sidii ay u qaadi lahaayeen horyaalka Talyaaniga rubuc qarni ku dhowaad kadib.
Isha: Tuttosport
Xidigan caatada ah ee reer Argentine ayaa aad loo hadal hayaa inuu ka tegi doono kooxda Paris Saint-Germain oo u muuqata mid kasii xiisa dhacaysa iyadoo kooxda Rossoneri ay doonayso inay Inter uga hormarto saxeexiisa.
Isha: La Gazzetta dello Sport
Xidigga kooxda Schalke ayaan weli kordhinin qandaraaskiisa gegada Veltins Arena, iyadoo ay kooxda Nerazzurri ay doonaysa inay laacibkan u dhaqaaqdo si ay jaal ugu hesho qanaaskeeda qawaarka ah ee Diego Milito.
Isha: La Gazzetta dello Sport
Camaaliqada reer Istanbul ayaa baadi doon ugu jirta weerar yahan kale si ay u dhamaytirto cududeeda dab-ridka hore kahor inta uusan dib u bilaabmin wareegga 16-ka ee koobka horyaallada Yurub waxayna sidaa darteed isha ku haysaa xidigga laga yaaban yahay ee kooxda Newcastle Utd.
Isha: Fotomac
Kooxda difaacanaysa horyaalka Jarmanka ayaa miisaamaysa inay codsi rasmi ah u dirto kooxda Raashka ah ee CSKA Moscow oo ay ka doonayso xidigan reer Japan oo ay is leedahay ku buuxi boos uu banneeyay Japanese kale oo ah Shinji Kagawa.
Isha: Championat.com
Chelsea ayaa qorsheeynaysa inay 30 milyan oo gini miiska u saarto laacibka khadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets. Nimanka wax usoo iibiya kooxda Stamford Bridge ayaa daawanayay dhowr kulan oo uu ciyaarayay laacibkani balse kooxda Spanish-ka ayaan ogolaan doonin inuu 24 jirkani ka tago kahor dhamaadka xilliga markii ay ugu yaraato.
Isha: The People
Chelsea ayay weli daacad ka tahay inay lasoo wareegto xidig weerar ah bisha soo aadan iyadoo wakiillo kooxdaasi ka socda ay haatan u duuleen dalka Spain si ay wada hadallo ula galaan kooxaha iyo wakiillada qanaaska Atletico Madrid ee Radamel Falcao ama dhigiisa Real Madrid oo ah Gonzalo Higuain.
Isha: The Telegraph
Arsenal ayaa liiska laacibiinta ay doonayso bisha Janaayo ku dartay jookarka khadka dhexe ee Bayern Munich Luiz Gustavo. 25 jirkan ayaa xiisaynaya inuu ku biiro EPL halka Arsenal aysan doonaynin inay bixiso wax ka badan 10 milyan oo gini.
Isha: Daily Mirror
Liverpool ayaa doonaysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo xidigga kooxda Swansea City waase hadii uu fashilmo isku daygeeda ku aadan helista weeraryahanka kooxda Chelsea Daniel Sturridge, iyadoo xidiggan Spanish-ka ihi uusan igu soo orod ahayn marka la eego 30-ka milyan ee gini ee uu ku qiimeeyo macalinkiisa Danish-ka ah Michael Laudrup.
Isha: The People