Wednesday, June 19th, 2013

WARAR CUSUB: Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo wargaysyadu wixii ay ka qoreen

Published on December 4, 2012 by

(Zurich) 04 Dis 2012  Waxaan halkan idiinkugu haynaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo wargaysyada caalamku wixii ay ka qoreen.

Barcelona oo laacibiin ka doonaysa Dortmund 

Barca ayaa si dhow ula socota dhowr laacib oo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund kuwaasoo ay ku jiraan Neven Subotic, Mats Hummels iyo Mario Gotze, waxayna filaysaa inay ugu midkood keeni karto gegada Camp Nou xagaaga soo aadan.

Isha: Sport

Tello oo qandaraaskiisa la gaarsiinayo illaa 2016

Barcelona iyo Cristian Tello ayaa lagu wadaa inay heshiis ku saabsan sidii loo kordhin lahaa qandaraaska xidig yarahan ay gaaraan todobaadyada soo aadan, kaasoo heshiiska dadabkan gaarsiin doona ilaa iyo sanadda 2016-ka.

Isha: Sport

Real Madrid oo durba doonaysa bedelka Mourinho

Real Madrid ayaa horraanba bilowday inay baadi doonto macalinkii u bedeli lahaa macalin Mou oo muran dhaliyay si uu Madrid uga tago waxayna bedel ahaan u bartilmaameedsanayaan macalimiin ay ka mid yihiin Joachim Low iyo Carlo Ancelotti.

Isha: Marca

PSG oo dalab u dirtay Beckham 

Kooxda Faransiiska ah ee PSG ayaa dalab rasmi ah u dirtay David Beckham oo ay doonayaan 6 bilood oo amaah ah iyagoo deetana heshiiska u kordhin doona hadii ay ka helaan hanaankiisa ciyaareed.

Isha: RMC

PSG oo ugaarsanaysa Hamsik

Leonardo ayaa Isniintii si gaar ah ula hadlay wakiilka Slovakian-kan oo lagu magacaabo Mino Raiola isagoo lasoo qaaday sidii Marek Hamsik lagu keeni lahaa Paris Saint-Germain dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Isha: Tuttosport

Juventus oo doonaysa inay Verratti soo guryo-celiso

Horyaalka Serie A ayaa doonaysa inay Talyaaniga kusoo celiso muluqa kooxda PSG Marco Verratti oo kubad qaabeeye usoo baxaya Talyaaniga balse waa inay jeebabkeeda si qoto dheer gacanta u gelisaa maadaama uu xidigani ku kici doono 20 milyan oo euro waa hadiiba ay PSG la noqoto inay fasaxdee.

Isha: Tuttosport

Sneijder oo ay doonayso Fenerbahce

Laacibka khadka dhexe ee Inter ayaa la sheegayaa inuu qarka u saaran yahay inuu heshiis qalinka kula aaso kooxda camaaliqada reer Turky ee Fenerbahce.

Manchester United ayaa lafteedu dib u bilowday qorshihii ay ku doonaysay laacibkan ka ciyaara lambarka buuxa ee 10-aad kadib markii uu shalay guuldarro iyo weji gabax ku dhamaaday gar lagu doonayay inay isku af gartaan maamulka Inter iyo wakiilka laacibkan oo aan la isku salaamin.

Isha: Fotomac

Bendtner oo Huntelaar u bedelaya kooxda Schalke

Arsenal ayaan qarsanin doonisteeda qanaaska Klaas-Jan Huntelaar bisha Janaayo, halka Juventus aysan sidaa ula dhacsanayn weerarka Nicklas Bendtner oo isla Gunners amaah uga soo maqan, waxayna  Arsenal doonaysaa inay xidigan u isticmaasho qaab ay ku hesha ninkan Dutch-ka ah.

Isha: Tuttomercatweb.com

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Raage

Tifaftiraha: Gool FM.net

Comments

comments


Wararka

Ribery-Benzema-AFP

Maxkamaddii Ribery iyo Karim Benzema oo dib loo dhigay illaa sanadka dambe

(AFP) – Paris, 19 June 2013   Maxkamad ku taalla ...
article-2344034-1A637DD8000005DC-177_634x507

Daawo Sawirrada Xulka Spain oo ku guuleystay Koobkii Qarammada Yurub ee 21-jirrada

 (EFE) – Jerusalem, 19 June 2013   Xulka Qaranka  Spain ...
Iran

Iran iyo South Korea oo u soo baxay Koobka Adduunka 2014-ka ee Brazil

  (Reuters) – Seoul, 18 June 2013   Xulka Qaranka Waddanka ...
Ethiopian-Team

Itoobiya oo laga celin doono 3-dii Dhibcood ee ay ka heshay Kulankeedii Botswana

(Reuters) – Addis Ababa,  18 June 2013   Guddoomiyaha Xiriirka ...
Brazil_1

Brazil oo Dakhli fara badan ka soo gali doono Dalxiisayaasha daawanaya Koobka Qaaradaha

(DPA), 18 June 2013   Shabakadda ‘Globo’  ee Waddanka Brazil ...
ita

GOOGOOSKA: Italy vs Spain 2-4 (Spain oo markale Italia afar u dhiibtay)

Italy U21: Bardi; Donati, Bianchetti, Caldirola, Regini; Florenzi, ...
cavaniiiii

Napoli oo dalab adag hor dhigtay Real Madrid!….(Madrid oo aqbali doonta haddii ay dhab u dooneyso Cavani)

(EFE) 18 June 2013. Warar soo ifbaxaya saakay ...
Har

Hawd vs Daad Madheedh 1-0 (Hawd oo soo labaysay Maroodi Jeex)

Halkan ka DAAWO Gool FM
Har

Maroodi Jeex vs Gabiley 2-1 (Maroodi Jeex oo isa soo mutaxday madasha finalka)

Halkan ka DAAWO Gool FM
Shaciyarada

Dhagayso: Barnaamijka Sharciyada Isboortiga ee GOOLFM

Talaado, 18 June 2013. Waxaan halkaan idin kugu soo ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile