Thursday, June 20th, 2013

WARAR CUSUB: Waa kuwee laacibiinta ay doonayaan kooxaha waawayn ee Yurub? (Goos goos)

Published on December 10, 2012 by

(Zurich) 10 Dis 2012  Kusoo dhowaada saaxiibayaal wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga qaaradda Yurub.

Hugo Campagnaro oo Inter iska xaadirin doona xilliga soo aadan

Daafada reer Argentine ayaa iskaga huleeli doona kooxda SSC Napoli oo uu qandaraaskii uga dhamaaday isagoo si toos ah ugu biiri doona kooxdaNerazzurri, oo horraanba heshiis la gaartay.

Isha : Corriere dello Sport

PSG oo karaarinaysa doonisteedii Sneijder

Naadigan Faransiiska ah ayaa Sneijder ugu yaboohday mushahar dhan €6.5 milyan oo euro sanadkii iyadoo Inter faraha ka saaraysa laba jibaarkeed ku dhowaad taasoo ah €12 milyan oo euro isla markaana ah lacag ay kooxda Nerazzurri kusoo xera gelin karto Paulinho.

Isha: Gazzetta dello Sport

Henry oo doonaya inuu muddo dheer joogo Arsenal 

Thierry Henry ayaa ogolaaday inuu kusoo laabto Arsenal oo ah koox uu taariikhdeeda wax ka qoray balse wuxuu doonayaa in heshiiska uu haatan kujiro oo soconaya 10 todobaad la dheereeyo oo la gaarsiiyo ilaa iyo dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Isha: Daily Mirror

Mancini oo Hart ku heeydaarteeyay guuldarradii Man City

Roberto Mancini ayaa furka ku xooray goolwale Joe Hart kadib guuldarradii Manchester City 3-2 looga adkaaday maalintii shalay ahayd wuxuuna macalinka Talyaaniga ihi tibaaxay in habdhaqanka iyo bandhiga goolhayahan caalamiga ah ee reer Ingiriis ay ahaayeen waxa fududeeyay goolkii guusha ee Robin van Persie oo ahaa laad xor ahaa oo dhashay dhimashadii ciyaarta.

Isha: The Sun

Chelsea oo keensanaysa xidigyare Serbian ah

Chelsea ayaa doonaysa inay soo qaadato muluqa Serbian-ka ah ee Lazar Markovic oo ku kacaya aduun dhan €10 milyan oo euro. 18 jirkan da’da yar oo khadka dhexe ka ciyaara ayaa kooxdiisa Partizan Belgrade u dhaliyay 6 gool 12 kulan oo uu u saftay.

Isha: Daily Mail

Beckham ma laga yaabaa inuu Monaco u weecdo?

Laacibka marna qawaarka ah marna khabiirka ah ee khadka dhexe ayaan kasoo horjeedin fikradda ah inuu ku biiro kooxda metesha imaaradda Faransiiska ah ee Monaco. Booqashadii uu Tor-Kristian Karlsen, oo ah xoghayaha guud ee kooxda ASM, uu ku tegey magaalada Los Angeles ayaa u muuqatay mid mira bixisay.

Isha: L’Equipe

PSG oo lagu tilmaamay dooqa 1-aad ee Mourinho

Jose Mourinho ayaa la sheegayaa inuu go’aansaday geestii uu aadi lahaa hadii ay kala go’aan kooxda Real Madrid oo ay beryahan isku xumaadeen: Waxaana la sheegayaa inay jihadaasi noqon doonto magaalada Paris iyo kooxda PSG taasoo daaqadda ka saaraysa  Man City oo xusul duub iskeed ah kujirtay.

Waxaa la sheegayaa inuu horraanba dhacay kulan dhex maray macalin Mourinho iyo saraakiil Qadariyiin ah oo kooxda ka socotay iyadoo ay horay u jirtay in Al Jazeera English ay barnaamih documentery ah ka sameeynaysa macalin Mourinho.

Xigasho: TF1

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Raage

Tifaftiraha: Gool FM.net 

Comments

comments


Wararka

Italy

Talyaaniga oo gaaray Semefinalka koobka qaaradaha markii uu dirqi kaga badiyey Japan + Sawirro

(Pernambuco) 20 June 2013. Xulka Talyaaniga ayaa xalay ...
Selecao (1)

Xulka Selecao oo u soo baxay Semefinalka koobka qaaradaha markii ay xalay ka adkaadeen Mexico + Sawirro

(Castelao) 20 June 2013. Xulalka Brazil iyo Mexico ...
Italy vs Japan

Italy vs Japan 4-3 (Talyaaniga oo ku raayay ciyaar uu ku rafaaday)

Italy: Buffon; Maggio, Barzagli, Chiellini, De Sciglio; De ...
article-2344432-1A66E459000005DC-393_634x440

West Ham United oo funaanadeeda u xirtay Weeraryahan Andy Carroll

(Reuters) – London, 19 June 2013   Kooxda Kubadda Cagta ...
Kwadwo-Asamoah_Juventus-medical-visite-mediche

Juventus oo 100% toos u yeelatay Asamoah, kaddib markii ay Udinese ka iibsatay kala barkii ka dhinaa heshiiskiisa

(Reuters) – Torino, 19 June 2013   Kooxda Kubadda Cagta ...
brazil-meksiko2-600x300

GOOGOOSKA: Brazil vs Mexico 2-0 (Selecao & Azzurri oo semifinalka usoo baxay)

BRAZIL: Julio Cesar, Dani Alves, Thiago Silva, Luiz, ...
Cavani

Chelsea oo 24-ka saac ee soo socota wada hadalo la yeelaneysa Cavani….(Oo maxaa laga hadli?)

(London), 19 June 2013. Naadiga lagu naaneyso The ...
Ronaldo (5)

ARAGTI: C. Ronaldo ma yahay ciyaaryahanka ugu jir dhiska qurxoon kubadda cagta….(DAAWO SAWIRRO)

(Miami) 19 June 2013. Cristiano Ronaldo ayaa ahaa ...
Javier Martinez

Javier Martinez: “Waxaan rajeenayaa in hal maalin xitaa u ciyaaro sida Iniesta”

(Rio de Janeiro), 19 June 2013. Xiddiga qadka ...
top-11-conf-cup

MAKU RAACSAN TAHAY?: Waa kuwee 11-ka laacib ee ugu wanaagsan koobka qaaradaha?

(Brasilia) 19 June 2013 Waxay saacado yari inaga ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile