(Zurich) 12 Dis 2012 Aqristayaasheena sharafta mudan waxaanu halkan ugu haynaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo laacibiinta lakala doonayo wararkii ugu dambeeyay.
Inter ayaa isha la raacaysa kaydka qaaliga ah ee kooxda FC Porto, iyadoo bartilmaameedsanaysa Fernando iyo Rolando oo laga yaabo inay kooxda Nerazzurri ay dalab rasmi ah u dirto bisha Janaayo.
Isha: Tuttosport
Xidigan caalamiga ah ee Polish-ka ah oo weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ayay Inter doonaysaa inay ka dhigto ninkii mudada dheer dhaxli lahaa qanaaskeeda qawaarka ah ee Diego Milito oo haatan u muuqda bil sii dhacaysa waloow Inter ay cadaadis kala kulmayso kooxo ay ugu horeeyso Man Utd oo laacibka mudaba cayrinaysay.
Isha: Corriere dello Sport
Kooxdan ka ciyaarta woqooyiga London ayaa dareensan in Wesley Sneijder uu bidaal rasmi ah u noqon karo Rafael van der Vaart, kaasoo Spurs ka aaday kooxda Hamburg xagaagii tegey. Tottenham ayaan ilaa haatan haysanin kubad qaabeeye khadka dhexe ciyaarta ka dhisa tan iyo markii uu Luka Modric ku biiray kooxda Real Madrid bishii August.
Isha: Gazzetta dello Sport
Kooxda Bianconeri ayaa dooneysa laacib ka ciyaara dadabka bidix ee daafaca maadaama uu laacibkooda Kwadwo Asamoah uu ka qayb qaadan doono koobka qaramada Africa ee Africa Cup of Nations, iyadoo midkood doonaysa sedexda daafac ee Peluso, Armero iyo Kolarov oo ilaa iyo haatan soo galay raadeerka Juve.
Isha: Corriere dello Sport
Iyadoo ay dhowaanahanba socdeen warar la isla dhexmarayo oo tibaaxayay inuu laacibkani ka socdo kooxda Catalan-ka ah, balse Blaugrana ayaa haatan ku tallamaysa inay laacibkan usoo bandhigto qandaraas cusub oo sanad ah oo uu laacibkan caalamiga ah ee Spanish-ka ah uu kusii joogi doono gegada Camp Nou tan iyo xagaaga 2014.
Isha: Sport
Juventus ayaa ku riyoonaysa Drogba balse waxay sidoo kale indha indheeynayaan qanaaska Roma ee Pablo Osvaldo oo dhaqaale ahaan Juve u roon marka ay timaaddo gunooyinka cirka ku shareeran ee uu dalbanayo Drogba.
Sida uu qorayo warsidaha La Gazzetta dello Sport waxay Juventus marka hore isku dayi doontaa inay la xaajooto Drogba bisha Janaayo balse hadii ay taasi socon waydo way usii caddahay halkii ay cagta dhigi lahayd taasoo ah Roma.
Isha: Tuttosport
Kooxda haysata horyaalka Premier League ayaa xiisaynaysa laacibka khadka dhexe ee ka ciyaara gobolka Basque ee dalka Spain oo ay ka dhisan tahay kooxda Real Betis, kaasoo lagu qiimeeyo ilaa €20 milyan oo euro. Benat ayaan ilaa iyo iminka aan wax qandaraas ah u kordhinin kooxdiisa.
Isha: AS
Naadiga Turkish-ka ah ayaa ku madax adeeygaya inuu Nene kusoo biiriyo magaalada taariikhiga ah ee Istanbul, iyadoo ay durba bilowdeen wada xaajoodyadii u dhexeeyay Paris Saint-Germain iyo saraakiisha kooxdaasi oo meel wanaagsan maraya.
Isha: Lig TV
Naadigan Jarmanka ah ayaa xiisaynaya qanaaska Polish-ka ah oo ay horay dhowr mar iskugu dayday. Waxayna kooxdan oo wiilkan aad ula dhacsan ciyaar ahaan ay doonaysaa inay sidaa kaga dhigto laacibkii 4-aad ee Polish ah oo ay kusoo darto safkeeda xagaaga soo aadan.
Isha: Bild