(Lausanne) 06 Dis 2012 Koobka qaramada Yurub dufcaddiisa Euro 2020 ayaa waxaa marki ugu horreeysay qaban qaabin doona magaalooyin kala duwan oo ku kala yaalla qaaradda Yurub sida uu xaqiijiyay xiriirka UEFA fiidkan caawa.
Fikradan ayaa waxaa miiska soo saaray gudoonka xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA Michel Platini waxaana lagu ansixiyay kulan ay maanta magaalada Lausanne ay ku yeesheen gudiga fulinta ee xiriirka UEFA.
”Go’aamo muhim ah ayaa la gaaray” ayuu yiri xoghayaha guud ee UEFA Gianni Infantino. ”Euro 2020 waxaa martigelin doona magaalooyin dhowr ah oo ku kala yaalla qaaradda Yurub, waana go’aan aan qaadannay maanta inagoo tixraacayna fikraddan oo uu keenay Platini” ayuu raaciyay.
Qaabka iyo tirada magaalooyinka martigelin doona ciyaarahan ayaan weli la go’aaminin iyadoo la sheegay in magaalooyinka doonaya inay koobka martigeliyaan ay musharraxnimadooda soo gudbin karaan wixii ka bilaabma bisha Maarso sanadka 2014-ka.
Gool FM