Sabti, 08-12-2012. R. Van Persie xiddiga guran ee weerarka kaga ciyaara Man United ayaa qarka u saarnaa inuu ku biiro kooxaha Man City iyo Juventus ka hor inta uusan ku biirin Man United balse wuxuu sheegay inuusan marna ka shalaynayn inuu ku biiri waayay kooxahaas isla markaana uu ku qanacsan yahay Man United.
Van ayaa 3-dalab oo aan kala dhicin kala kulmay kooxaha Man United, Man City iyo Juventus, inkastoo uu ku biiray Man United oo kula wareegtay 22-milyan oo geni oo u dhiganta 35-milyan oo euro.
Waxayna sheekadaan imaaneysaa xili ay berito Man United kulan adag kala hortagi doonto Man City ciyaar ka tirsan Premier League Ingiriiska, wuxuuna sheega Van in go’aan deg deg ah uu qaatay oo waliba labo labeyn ku jirin marka uu ku biirayay Man United isla markaana uu tababarka la qaato isagoo dhoola cadeenaya si diirana loogu soo dhaweeyay kuna qanacsan yahay kooxdan.
Van Persie ayaa bilow fiican la qaadanaya Man United isagoo dhaliyay 13-gool 19-kulan uu u saftay kooxda Man United xagaagan tartamada kala duwan ay ciyaartay.