Sunday, February 7th, 2016
Gool FM logo

Van Persie oo kulankiisa ugu horreeya Manchester United u safanaya….

Published on August 16, 2012 by

Khamiis, 16/08/2012

Weeraryahanka cusub ee kooxda Manchester United Robin van Persie oo Shayaadiinta cas cas ay lacago saxaafaddu ku sheegtay 24-Milyan oo gini kaga soo iibsatay Naadiga Arsenal ayaa soo gaaray magaallada Manchester si uu u maro tijaabada caafimaad ee kooxdiisa cusub.

Van Persie oo 29-jir ah isla markaana meel loo saaray mushaar la mid ah midka uu Wayne Rooney ka qaato United 220,000-Gini toddobaadkii ayaa sida uu sheegay tababaraha Man United Sir Alex Ferguson waxaa kulankiisa ugu horreeya uu u safan doonaa United kulanka ay la yeelanayso kooxda Everton Isniinta soo socota ee furitaanka Horyaalka Waddanka Ingiriiska.

Tababare Ferguson oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa uu xusay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in ay gacanta ku soo dhigaan Weeraryahan qaali ah sida van Persie oo kale oo kooxdiisa Arsenal xilli ciyaareedkii la soo dhaafay u dhaliyay 37-gool, una suuro geliyay in ay ku soo baxaan kaalinta 3-aad ee kala horreyntii Horyaalka Ingiriiska, booska kaga helaan Koobka Horyaallada Yurub ee soo socda.

“1999-kii waxaa weerarka nooga ciyaarayay 4 Weeraryahan oo ka mid ahaa kuwii ugu fiicnaa Qaaradda Yurub ee kala ahaa Dwight York, Andy Cole, Teddy Sheringham iyo Ole Gunner Solskjaer, haddana 2012 waxaan haysannaa weeraryahanno u dhigma kuwaasi waana Wayne Rooney, Robin van Persie, Javier Hernandez iyo Danny Welbeck” ayuu yiri Ferguson.

Dhinaca kale Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay in uu jeclaa in van Persie uu ka iibiyo kooxda Paris St Germain halkii uu ka aadi lahaa Manchester United, taasoo uu xusay in uu haatan noqday koox lagu soo weerarayo hubkii ay iyadu lahayd.

Warka Robin van Persie markii lagu shaaciyay bogga Man United

van Persie oo siduu ku yahay funaanadda Shayaadiinta cas cas

Qaabka cusub ee uu ciyaari doono Ferguson 4 weerar si la mid ah 1999:: Wayne Rooney, Robin van Persie, Hernandez iyo Dany Welbeck.

 

 

GOOL FM

Xafiiska Rennes- France

Aragtidiinu waa muhim

Comment

CODEYN CIYAARYAHANKA SANADKA 2015

 

 

CODEYN MACALINKA SANADKA 2015

 

 

Wararka

Ronaldo layaab

EEG SAWIRKA: Ronaldo oo dhar aan looga baran soo xirtay kaas oo aad loola yaabay!

(Madrid) 07 Feb 2016 Waxaa la is waydiiyay in ...
Kurt Zouma

Muxuu ka yiri Guus Hiddink dhaawicii cuslaa ee caawa soo gaaray Kurt Zouma?

(London) 07 Feb 2016 Tababaraha kooxda Chelsea Guus Hiddink ...
1

59 ayey ka soo kala jeedaan ajaaniibta ka dheesha Premier League! Somalia malagu matalaa?)

(London) feb 2016. Horyaalka dalka England waxaa lagu ...
COMP-football-old-_2677668a

XAGEE QARIN DOONTA JAMAAHIIRTA LIVERPOOL? Taageereyaasha Manchester United oo heli doona RAASAS ay ku beegsadaan Liverpool hadii ay Leicester City horyaalka qaado? (Ogow arinkan cajiibka ah)

(Manchester) 07 Feb 2016. Jamaahiirta Kop awood uma ...
b

TOOS u daawo: AS Roma vs Sampdoria – LIVE (Safafka rasmiga ah)

Sampdoria: Viviano; Ranocchia, Silvestre, Moisander; Cassani, Fernando, Ivan, ...
Chelsea v United

Costa oo ka caawiyay Chelsea inay barbaro la gasho Man United (SAWIRRO)!

(London) 07 Feb 2016 Kooxaha Chelsea iyo Man United ...
b

TOOS u daawo: Granada CF vs Real Madrid – LIVE

Granada CF - Real Madrid Granada CF - Real ...
article-3436105-30F9B5C300000578-21_964x386

KULANKII ISMA DHAATO: Maxaa laga bartay ciyaartii Chelsea v Manchester United?

(London) 07 Feb 2016. Kooxaha Chelsea iyo Manchester ...
b

WAR CUSUB: Milan oo beenisey inuu burburay wada xaajoodkii Mr Bee

(Milano) 07 Feb 2106 - Sharikadda gacanta ku ...
pique 1

Pique oo saadaaliyay kooxda ku guulaysan karta horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kan!

(Barcelona) 07 Feb 2016 Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile