(Zurich) 11 Dis 2012 Gudoonka UEFA Michel Platini ayaa marka carabka ku adkeeyay mucaaradadiisa ku aadan sida uu u diidan yahay farsamada dhowaan galka ah ee loogu tala galay in lagu ogaado in uu goolku xariijinta dhaafay iyo in kale ee loo yaqaanno ”goal-line technology”
Ninkan Faransiiska ah ayaa rumaysan in dabiqitaanka farsamadan ee tartamada horyaallada Yurub iyo Europa League ay lacag badani ku baxayso. ”Su’aal kama taagna (waxtarka) qalabkan balse waa inaanu eegnaa waxyaabo badan,” ayuu madaxweynaha Uefa ku yiri warfidiyeenka.
“Inaanu qalabkan ku xirno garoomada waxay noogu kacaysaa €50 milyan oo euro mudo 5 sanadood ah. Waxaan marka doorbidi lahaa inaan €50-kaa milyan ku bixiyo mashaariicda horumarinta kubadda cagta halkii aan 5o milyan ku bixi lahaa hal ama 2 gool sanadkii waayo waa lacag badan” ayuu yiri
Blatini ayaa tibaaxay inuu taageersan yahay fikradda ah in hal garsoore oo dheeraad ah la dhigo goolka agtiisa kaasoo buu yiri hadii uu ookiyaale (Indha gashi) wanaagsan haysto hal mitir ka xaqiijin kara inuu goolku dhashay iyo in kale waana tillaabo ay markii ugu horreeysay muuqato inay isku khilaafsan yihiin UEFA iyo FIFA oo horraanba qalabkan ku isticmaalaysa koobka kooxaha aduunka.
Gool FM