Sunday, May 26th, 2013

UCL: CELTIC vs BARCELONA oo ballansan (Maxaad ka ogtahay?)

Published on November 7, 2012 by

(Celtic Park — Glasgow) 07 Nof 2012  Tito Vilanova waxaa usoo laabanaya dambeedka dhexe Gerard Pique oo u diyaar ah inuu kasoo muuqdo safka ka ciyaari doona Celtic Park, xidigan Spanish-ka ah ayaa dhaawac cagta ah ku maqnaa tan iyo guushii Spartak Moscow, taaso la micne ah in Alex Song la fariisin doono.

Alexis Sanchez ayay tahay inuu isna loo laabto kadib markii uu ka maqnaa kulankii Sabtiga ee Celta Vigo, halka  Adriano xaaladiisa la qiimeyn doono daqiiqadaha ugu dambeeya waloow uu soo laabanayo Dani Alves.

Dhanka kale weeraryahan David Villa ayaa sii wadan doona barnaamijkiisa soo kabasho ee lugtii uu ka tarraray balse Blaugrana waxay weli tabaysaa oo ka maqan Sergio Busquets (ganaax) iyo Carles Puyol (xusulka).

MA OGTAHAY?

  • Celtic waxay sameeysay taariikh aysan jeclayn inay xusuusato kagadaal markii ay 2-1 uga badisay kooxdaBarcelona kulankeedii ugu dambeeyay oo ay Celtic noqotay kooxdii ugu kubad haysad yarayd taariikhda koobkan kadib markii lagu koobay 10 %.
  • Qanaaska kooxdan Bhoys Miku wuxuu kasoo aflaxay dugsiga tababarka da’yarta ee kooxda Valencia oo ah meesha ay sidoo kale kasoo bexeen laacibiinta Barca ee David Villa iyo Jordi Alba.
  • Georgios Samaras (sawiran) wuxuu gool dhalinayay dhamaan kulamadii ay dibedda kula soo ciyaartay kooxdan ka dhisan horyaalka SPL gaar ahaan kuwii ay ka horjeedeen kooxaha (Helsinki, Helsingborgs, Spartak iyo Barcelona).
  • Wiilasha Lennon waxay 4 gool ka dhaliyeen 11 shuut oo ay goolka ku rideen kulamada heerka guruubyada ee haatan socda.
  • Barca way wada badisay dhamaan sedexdii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay ilaa haatan, halka Celtic ay midna badisay, mid laga badiyay, midna ay barbarro gashay.
  • Vilanova iyo kooxdiisu way soo gudbayaan hadii ay caawa helaan natiijo waxtar leh maadaama ay kooxda kaalinta labaad kujirta ay 5 dhibcood ka sarreeyaan.
  • Lionel Messi wuxuu noqday aabe markii ugu horreeysay oo waxaa u dhashay wiil loogu wanqalay magaca Thiago Messi Jimcihii. Xidigan reer Argentine ayaa sidaa darteed Sabtigii la ciyaarayay kooxda Celta De Vigo isagoo iskaalshada ama sharabaadada ku sita bahalka yar ee ay ilmuhu nuugaan balse halkiisa lagama soo saarin maadaama uu ku guuldarraystay inuu gool dhaliyo.
  • Kooxdan Catalan-ka waxay sameeysay 2622 (laba kun, lix boqol, laba iyo labaatan baas) 3-da kulan ee ay ilaa haatan ciyaartay iyadoo dhamaystirtay 2283 (laba kun, laba boqol, sideetan iyo sedex baas) taasoo ah tii ugu sareeysay ee ay koobkan kooxi ka sameeyso boqolleey ahaana waxay ka dhigan tahay 87%.

Safafka iyo shaxda laga yaabo…

 

CELTIC

Forster
Lustig, Wilson, Ambrose, Mulgrew
Commons, Brown, Wanyama, Ledley
Hooper, Samaras
BARCELONA

Valdes
Alves, Mascherano, Pique, Alba
Fabregas, Iniesta, Xavi
Pedro, Messi, Villa

Garsoore: B. Kuipers‎

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Comments

comments


Wararka

Roma vs Lazio

COPPA ITALIA FINAL: Maxaa kala heysta caawa Roma vs Lazio?……(Kulan ay cadaawadi ku dheehan tahay!)

Axad, 26 May 2013. Waa kulankii ugu horreeyay ...
ney

DIB U EEGIS: Baro laacibiinta Latin-ka ah ee Neymar ka hor ku fashilmay gegada Camp Nou!

  (Barcelona) 26 May 2013 Sida ay wararku sheegayaan ...
galkacyo

Kulan ciyaareed dhexmaray kooxaha Sunistar iyo Sayidka04 oo ka kala dhisan degmada Goldogob iyo Magaalada Galkacyo

Axad, 26 May 2013. Kulankan  ay wada ciyaareen kooxaha ...
ron

Waa kuwee 11-ka xiddig ee sanadkan ugu fiicnaa koobka horyaallada Yurub

(Zurich) 26 May 2013 Xalay waxaa lasoo afmeeray ...
k.gacanta doorasho (1)

Gudoonka cusub ee xiriirka kubadda Koleyga afarta sano ee soo socota oo lagu doortey Muqdisho + sawiro

(Muqdisho) 26 May 2013.Congresskii 6-aad ee xiriirka kubadda ...
uve

Kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid, AC Milan, Chelsea, Juve, Inter iyo kuwo kale oo koob uga qaybgeli doona Maraykanka

(New York) 26 May 2013 Kooxaha Juventus, Inter ...
Ronaldo

Cristiano Ronaldo oo ku guuleystay gooldhalinta Champions League

Axad, 26 May 2013. Cristiano Ronaldo laacibka kooxda reer ...
Pogba

Arsenal oo eegeysa inay u dhaqaaqdo Paul Pogba

Axad, 26 May 2013. Tababaraha Arsenal Arsane Wenger ...
1369548996_g_0

Barcelona oo xaqiijisay inay heshiis la gaartay Neymar

Axad, 26 May 2013. Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay ...
16a

Manchester City oo 5 gool ku garaacdey Chelsea,Nasri oo wacdaro ku dhigey + Daawo

(New york) 26 May 2013.Labo gool uu saxiixey ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile