Thursday, July 17th, 2014

Tababare Fartuun Cismaan: Macallin ku dayasho mudan!! (Daawo Sawirrada)

Published on November 11, 2012 by

11-11-2012 – Saint Paul, Minnesota-USA : Tababare Fartuun Nuur Xirsi Cismaan oo loo yaqaan (Cali-dheere) waa Haweenay Soomaaliyeed oo Tababare Caalami ah, haysatana aqoonsiga tababarnimo ee kubadda cagta ee dalka Mareykanka (National Soccer Coaches Association Of America “ NSCAA “). Tababare Fartuun Cismaan waxay ka mid ahayd xilligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya Gabdhihii Kubbada koleyga ee xulka Qaranka, Kooxdii Xiddigaha iyo Gabdhaha Kubbada koleyga ee naadiga Muqdisho, sidoo kale waxay ka mid ahayd  ciyaartoygii Cayaaraha fudud ( Athletic 1500m ilaa 3000m) ka hor in aysan u soo wareegin kubbada koleyga.

Tababare Fartuun Cismaan oo waqtigan ku nool magaaladda Minneapolis, ee dalka Mareykanka markii ay timid kaddib waxay xoogga saartay oo dadaal dheer u gashey inay dhallinyarada iyo jiilasha soo koraya ee Soomaaliyeed ay ku barbaariso, kuna dhiirri geliso isboortiga, taas oo ay asaas uga dhigtay “Jir caafimaad qaba ayaa maskax caafimaad qabta Leh” iyo inay kaga badbaadaan dhibaatooyin iyo danbiyo badan oo u fudud marka uu qofku dhallinyaro yahay (Gabar & Wiil )!!

Tababare Fartuun markiiba waxay culayska saartay inay dhallinyarada u kala qaybiso qaybaha kala geddisan ee cayaaraha sida Kubbada Koleyga (Basket Ball), Kubbada Cagta (Soccer) iyo Ciyaaraha Oradka (Athletic) qof walba meesha uu ku fiican yahay, waxayna tababartaa gabdhaha da´doodu u dhaxeyso 8  illaa 18 sano.

Sidee u siisaa tababarka ama ay u maareysaa Ciyaarahaas kala duwan ? 

1.    Ciyaaraha Kubbada Cagta (Soccer) waxay Tababartaa labo Xilli.

a)    Juni illaa Oktober oo ay tababarka ku qaataan Garoomo furan( Outdoor), waxayna ka qayb galaan Koobabka Kooxaha loo dhigo sida National Soccer Of America Cup (NSA Cup), Schwan’s  USA Cup (America’s Greatest International Youth Soccer Tournament 2012 Blaine Minnesota, USA) iyo kuwa Degmooyinka Minneapolis.

b) Jannaayo illaa Maarso oo ay ku tababarto garoomo dedan (indoor).

2. Ciyaaraha Kubbada Koleyga(Basketball): Waxay tababartaa oo ay bilaabanayaan Bisha December ilaa  Febraayo , sidoo kale waxay ka qayb galaan tartamada Iskuulada,Degmooyinka iyo Koobab kale intaba.waxayna kuwaada ugu horeeya furmayaan 8 Dec 2012 ee bisha soo socota.

3.    Ciyaaraha fudud ama Athletic waxay tababartaa Bisha maarso illaa May.

Guud ahaan tababare Fartuun Cismaan oo ah qof dadaal badan ayaa waxay ku heshay howshaas badan abaalmarinno caalami ah sida Virginia Mcknight Binger Human services Award, ka qayb galo kulamo xiriirro Caalami ah sannad walba sida NSCAA oo ay la kulanto tababarayaal adduunka caan ka ah iyo kuwo aqoon kororsi ay ku hesho. Waxaana marar badan wax ka qoray wargeysyo ka soo baxa dalka Mareykanka sida Startribune,Chicago Times iyo kuwo kale.

Tababare Fartuun Cismaan waxaa dhiirri-gelin iyo kaalin aad u xoog badan oo aan kala-har lahayn la garab taagan waalidiinta dhallinyarada ay tababarto, kuwaas oo ka miro dhaliyey kuna farxey heerka ay maanta gaareen ubadkoodu oo kooxihii ay yimaadaan final ama semi-final ay ku haraan, taas oo qoomiyado badan oo kala geddisan soo jiidatay.

Haddaba waxaan bahda isbootiga Soomaaliyeed ka sugeynaa dalaal la mid ah midka gabadhaas Soomaaliyeed ay u sare kacday mid la mid ah.

W.D. Maxamed Axmed Xasaan (Xuurshe)

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

18

Kooxda Queens Park Rangers oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Rio Ferdinand… (Daawo Sawirrada)

(London) 18 Luulyo 2014. Kooxda Queens Park Rangers ...
Romeu

Kooxda Chelsea oo heshiis cusub ka saxiixatay mid ka mid ah xiddigeheeda khadka dhexe

(London) 18 Luulyo 2014. Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay ...
su

AQRISO: Dambiyada uu galay Luis Suarez laga soo bilaabo kulankiisii ugu horreeyay ee xulka Uruguay!

(World) 17 Luulyo 2014. Weeraryahanka cusub ee kooxda ...
ok

RASMI: Kooxda Arsenal oo xaqiijisay saxiixa Debuchy… (Daawo Sawirrada)

(London) 17 Luulyo 2014. Kooxda Arsenal ayaa dhameystirtay saxiixa ...
Michael Carrick

Michael Carrick oo muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaanaya kaddib..

(Manchester) 17 Luulyo 2014. Laacibka qadka dhexe ee ...
BswH58SIIAIvBS6

RASMI : Roma oo soo xero gelisay Juan Iturbe (Daawo Sawiro + Xirfadaha xidiggan)

(Roma), 17 Luulyo 2014   -Kooxda Kubadda Cagta Roma ...
Franck Ribery

Xiriirka UEFA oo soo saaray Liiska 10-ka ciyaartooy ee u tartamaysa Abaalmarinta Xidigga ugu fiican Qaaradda Yurub

(Zurich), 17 Luulyo 2014   -Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda ...
michu

RASMI : Michu oo noqday ciyaaryahan ka tirsan kooxda Napoli

(Napoli), 17 Luulyo 2014 -Kooxda Kubadda Cagta Napoli ...
kroos77

Lambarkee loo xiray Ciyaaryahan Toni Kroos? (Daawo Sawirrada soo dhoweynta)

(Madrid), 17 Luulyo 2014  -Xidigga cusub ee kooxda ...
medico1

Kroos oo ka gudbay Tijaabada caafimaad ee kooxdiisa Real Madrid (Eeg sawirada)

(Madrid), 17 Luulyo 2014   -Laacibka cusub ee Khadka ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile