(Manchester) 07 Dis 2012 Manchester United ayaa u dhaqaaqday xidigyaraha kooxda Dinamo Zagreb Alen Halilovic. Warsidaha The Daily Mail ayaa qoray xoghayaha guud ee United David Gill uu u duulay dalka Croatia Talaadadii si uu ula xaajoodo kooxda Dinamo Zagreb oo uu kala hadlayo xidigan Halilovic oo lagu qiimeeyo £15milyan oo gini.
Macalinka Sir Alex Ferguson oo ah macalin il dheer marka la eego dhanka suuqa ayaa sidoo kale doonayo da’yar uu ku daboolo dulduleelka ka muuqda daafaca kooxdaasi oo ay ka daba timid laacibiintooda dambe qaarkood isagoo farmuuqday 20 jirka Sime Vrsaljko iyadoo aaminsan inay ku filan tahay 20 milyan oo gini labada laacib.
Gill oo Arbacadii Ingiriiska kusoo gurya noqday ayaa maamulka kooxda la fadhiyay kulankii Cluj isagoo ku kalsoon inuu afgembin karo qorshihii Man City oo laacibkan doonaysay.
United ayaan intaa ku joogsanin balse waxay sidoo kale gorgoriyeen laacibka khadka dhexe Mateo Kovacic oo sidoo kale ahaa laacib ay City doonaysay iyadoo uu Gill Dinamo lasoo qaaday inay laacibkan ku qaadan karaan 10 milyan oo gini xagaaga soo aadan.
Gool FM