(London), 06 December 2012

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa Ganaax dusha kaga tuuray Laacibka Khadka Dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka Nigeria John Obi Mikel kaddib markii dacwad uu ku soo oogay isagoo kaashanaya kooxdiisa lagu waayay Garsoore Mark Clattenburg.
Obi Mikel oo 25-jir ah ayaa Garsoore Clattenburg oo dhex dhexaadinayay ciyaartii kooxdiisa Chelsea ay 3-2 guuldarro kala kulantay Manchester United Bishii October ee la soo dhaafay ku eedeeyey in uu ku yiri erayo Midab takoor ah, taasoo markii la baarayna ku caddaan weysay garsoorahan.
Mikel ayaa sidaa awgeed lagu ganaaxay in 3-ciyaartood laga fariisiyo Horyaalka Ingiriiska, isla markaana uu bixiyo Ganaax lacageed oo dhan 60,000-Euro (96,600-Dollar).
Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa dhacdadaasi ka raalli gelisay dhammaan Qoyska Garsoore Clattenburg iyo saaxiibadiisa, waxaana Garsooruhu uu mar kale dib u bilaabay shaqadiisii caadiga ahayd, kaddib markii uusan wax ciyaar ah garsoorin illaa intii ay dacwaddaasi dhinac u dheceysay.
GOOL FM