(Milano) 06 Dis 2012 Waxaa jira warar soo baxaya oo tibaaxaya in dhamaadka koobka horyaallada Yurub dufcaddiisa 2016-ka lagu qaban doono gegada caanka ah ee Stadio Giuseppe Meazza ama San Siro ee magaalada Milano ee woqooyiga Talyaaniga.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa kalsooni ku qabta inuu heshiiskani dhamaystiran yahay horraanba waloow aan lagu dhawaaqi karin bisha Maarso ee sanadka soo aadan kahor.
Waxay noqon doontaa markii 4-aad ee finalka koobka Champions League lagu dhigo San Siro oo sidoo kale martigeliyay 1965-kii oo ay Inter 1-0 uga badisay Benfica, 1970-kii oo ay Feyenoord 2-1 iskaga reebtay Celtic iyo 2001-dii oo ay Bayern Munchen rigoore ku khaarajisay kadib markii ay waqtigii caadiga ahaa 1-1 ka badan dhalin waayeen.
Dhamaadka 2015-ka ayaa isaga lagu qaban doonaa magaalada Berlin ee caasimadda Jarmanka midoobay.
Gool FM