Man United oo isha la raaceysa Sneijder xilli loogu baaqay inay iska ilaawaan Robert Lewandowski
Published on December 4, 2012 by BYare

Talaado, 04,12-2012. Man United ayaa isha la raaceysa xiddiga waqtiga dheer diirada u saarnaa ee qadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan Wesley Sneijder kaddib markii uu xiddiga diiday inuu heshiis cusub la galo kooxdiisa Inter iyo waliba inuu dhimo lacagaha uu qaato sanadkii ee ah 6-milyan oo euro.
Ferguson tababaraha Man United ayaa xagaagii hore ku doonayay in xiddigaan reer Holland kula soo wareego 35-milyan oo bound, balse iminka ayuu doonayaa inuu ka faa’ideysto khilaafka u dhaxeeya Inter Milan iyo Wesley Sneijder.

Man United oo loogu baaqay inay iska ilaawaan Robert Lewandowski
Dhanka kale Man United ayaa lagu wargeliyay inay iska ilaawaan doonistooda weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Robert Lewandowski iyadoo Tababaraha Borussia Jurgen Klopp uu xaqiijiyay in waxba aysan dhici doonin marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda isla markaana uusan ka cabsi qabin in Janaayo oo ka tagi doono Robert Lewandowski.
Comments
comments
Wararka
Talaado-21-05-2013{Manchester}Xidiga naadiga Manunited Wayne Rooney ayaa loo dhalay ...
Talaado-21-05-2013{London}.Macalinkii naadiga kubada cagta Stoke city Tony Pulis ...
Talaado-21-05-2013{Muqdisho.}Ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee ...
(Reuters), 21 May 2013
Iyadoo dhowaan uu cayaaraha ka ...
Talaado, 21 May 2013. Wararka ayaa sheegaya in ...
Talaado, 21 May 2013. Madaxda Isboortiga ee naadiga ...
(EFE-SPAIN), 21 May 2013
Wargeysyada ka soo baxa Spain ...
Talaado, 21 May 2013. 16-ka bisha June ayaa ...
Talaado, 21 May 2013. Taageerayaal badan oo ka ...
Talaado, 21 May 2013.
Laacibka khadka dhexe ee kooxda ...
GoolFM Mobile (USA)