(AFP), 07 December 2012

Waxaa xalay la ciyaaray kulammadii 6-aad ee Koobka EUFA Europa League, waxaana ugu xiiso badnaa kulankii kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska ay ugu soo gudubtay Wareegga 32-ka Naadi ee tartanka markii ay 1-0 uga badisay kooxda Udinese ee dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa Qaybta (A).
Liverpool ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad inkatoo ay isku dhibco ahaayeen kooxda Ruushka ee Anzhi Makhachkala oo ku jirta kaalinta 2-aad, wada leeyihiinna 10-dhibcood, halka Udinese ay ugu hoos martay group-ka iyadoo leh 4-dhibcood.
Goolka Liverpool waxaa u dhaliyay Jordan Henderson daqiiqaddii 23-aad kaasoo ahaa darbad xoog badan.
Sidoo kale Qaybta B: ayaa waxaa kooxda Atletico Madrid ay u soo gudubtay wareegga 32-ka Koobka Eufa markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Viktoria Plzen inkastoo ay ku soo baxday kaalinta 2-aad iyadoo la timid 12-dhibcood, halka kooxda Viktoria ay gashay kaalinta 1-aad iyadoo leh 13-dhibcood.
Qaybta saddexaad ee C: kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad 13-dhibcood, inkastoo kooxda Borussia Monchengladbach ay kaga badisay 3-0, kaalinta 2-aadna waxaa gashay Borussia Dortmund oo leh 11-dhibcood.
Qaybta 4-aad ee D: Naadiga Bordeaux ee dalka Faransiiska ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad iyadoo heshay 13-dhibcood, halka Newcastle United oo ka socotay Ingiriiskana ay gashay kaalinta 2-aad iyo 9-dhibcood, waxaana labada naadi ay si toos ah ugu soo gudbeen wareegga 32-ka kooxood ee EUFA Europa League.
Qaybta 5-aad ee E; kooxda Steaua Bucuresti ee Romania iyo Stuttgart ee Jarrmalka ayaa u soo gudbay wareegga 32-ka Europa League waxaana Bucaresti ay ku soo baxday kaalinta 1-aad markii ay urursatay 11-dhibcood, halka Stuttgart-na ay xiratay kaalinta 2-aad iyo 8-dhibcood.
Qaybta 6-aad ee F; kooxda Dnipro ee dalka Ukraine ayaa gashay kaalinta 1-aad waxaana ay keensatay 6-dii kulan ee ay ciyaartay 15-dhibcood, halka kaalinta 2-aadna ay ku soo baxday Kooxda Napoli ee dalka Talyaaniga iyadoo labada kooxoodna ay si nabad ah ku soo gaareen wareegga 32-ka.
Natiijooyinkii Kulammadii Xalay:
Europa League – Group A:
06/12/2012 Udinese 0 – 1 Liverpool
06/12/2012 Young Boys Bern 3 – 1 Anji Makhachkala
Europa League – Group B:
06/12/2012 Hapoel Tel Aviv 2 – 0 Academica Coimbra
06/12/2012 Viktoria Plzen 1 – 0 Atletico Madrid
Europa League – Group C:
06/12/2012 AEL Limassol 3 – 0 Marseille
06/12/2012 Fenerbahce 0 – 3 Monchengladbach
Europa League – Group D
06/12/2012 Bordeaux 2 – 0 Newcastle U.
06/12/2012 Maritimo 2 – 1 Club Brugge
Europa League – Group E:
06/12/2012 FC Copenhagen 1 – 1 Steaua Bucuresti
06/12/2012 Stuttgart 0 – 1 Molde
Europa League – Group F:
06/12/2012 Dnipro D’petrovsk 4 – 0 AIK Stockholm
06/12/2012 Napoli 1 – 3 PSV Eindhoven
Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf Khasaaro
GOOL FM Rennes – France