Wednesday, September 10th, 2014

Laacib mar noloshiisa ka sabray oo noqday xidiga todobaadkan ee aduunka..!! (Waa kee)

Published on September 18, 2012 by

Xidiga todobaadkan ee aduunka

Mark Farren
DA’DA 30
BOOSKA Attacker
U CIYAARA Derry City
Waxqabadkiisii Todobaadkan
GOOLASHA UU DHALIYAY 3
WAQTIGA UU CIYAARAY 90
GUULO HORE 0
Derry City
7-1 Mervue United

Hadii aan woxoogaa  dib u laabanno 2010-dii ayay u muuqatey inay Mark Farren ciyaar dambe uga dhamaatay kadib markii laacibkan lagu sameeyey qaliin dhanka maskaxda ah balse haatan 2 sanadood kadib wuxuu lasoo noqday sheekooyinkii lagu yaqaanay gaar ahaan bandhigii uu sameeyey habeenkii jimcaha.

Kooxdiisa Derry City waxay cardaadiqaha ka dhigtay kooxda Mervue United oo 7-1 hilfaha ugu qaadeen kulan ka tirsanaa horyaalka Ireland tiiyoo uu 30 jirkani 3 gool ama sedexleey ku lahaaa goolashaas ay kooxdiisu ku feeysteeysay taasoo guud ahaan goolasha uu u dhaliyay kooxda ku ciyaarta gegada Brandywell Stadium gaarsiisay 113 gool isagoo jebiyay rikoorkii uu haystey halyeeygii hore ee kooxdan Liam Coyle.

Hambalyo Mark Farren, xidiga todobaadkan ee aduunka.!

Xarfaanta kale ee xusidda mudan.!

Hernanes - Lazio

Kubad qaabeeyahan reer Brazil ayaa bandhig biriq ah ka sameeyey garoonka kulankii ay kooxdiisu dhegaha ka jaftay kooxda Chievo, isagoo dhaliyay goolka 1-aad, dhigayna kan 2-aad isla markaana guushii xaqiijiyay 17 daqiiqo markii ay ciyaarta ka harsaneeyd oo uu goolkiisii 2-aad iyo kii 3-aad ee Lazio uu ku faya yaraystay.

 

Lionel Messi - Barcelona

Iyadoo la wada xusuusnaa inay Getafe guuldarro horay u baday kooxda Real Madrid ee xaalku ku xunyahay, dad badan baa is lahaa Barcelona tiiyoo kale ayaa ku dhici doonta balse Leo Messi oo kaydka laga soo istaajiyay ayaa cidiisa u ciidmay isagoo laba jeer ka dhaliyay Getafe, sidaana ku yeeshay 8 gool dhamaan kulamada ay Barca ciyaartay oo dhan ee tartan kasta.

 

Neymar - Brazil/Santos

Xidigan soo baxaya ee reer Brazil ayaa iska dhegeeysanayay WARXUMADA taageerayaashiisa oo u sheeka xumeeyey kuna orriyay kadib markii ay dalka Koonfur Afrika gool caata ah uga badiyeen balse wuxuu kaga jawaabay SEDEXLEEY uu ka dhaliyay kulankii ay 8-0 ku harqiyeen dalka Shiinaha.

Kadibna wuxuu goolashiisii kasii amba qaaday heerka naadi isagoo goolkii guusha ka dhaliyay kooxda Flamengo, kahor intuusan gool nin wayn ka dhalinin kooxda Coritiba horyaalka Serie A-da Brazil.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Tifaftiraha: GoolFM.net

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

_64922457_huntelaar_afp

Kooxaha ugu waawayn England oo ku dagaalamaya saxiixa Klaas-Jan Huntelaar,xilli Schalke ay qorsheynayso in…

  (London) 10 Sebtember 2014.Kooxda kubadda cagta ee SCHALKE ...
Mario_Balot

Kooxda Liverpool oo si weyn isugu diyaarinaysa kulanka Premier League ee ku soo aaddan + Sawirro

(Liverpool) 10 Sebtember 2014. Kooxda Liverpool ayaa ku jirta ...
Fifa-World-XI-v-Premier-League-XI-6

WAR CUSUB: Kooxda Real Madrid oo si layaab leh ugu dhaqaaqaysa saxiixa Eden Hazard,hadii uu …

(Madrid) 10 Sebtember 2014. EDEN HAZARDayaa noqon kara ...
article-2749790-21384EE200000578-166_308x288

Thomas Vermaelen oo markii ugu horeysay tababar la qaadanaya kooxdiisa Barcelona isaga oo diyaar u ah kulanka sabtida +Sawirro

  (Barcelona) 10 Sebtember 2014. Thomas Vermaelen  ayaa markii ...
Aguero

Daawo Sawirrada tababarkii ugu dambeeyey ee Man City isugu diyaarinayso kulanka Arsenal

(Manchester) 10 Sebtember 2014. Kooxda Manchester City ayaa sameynaysa ...
1410264900387_wps_1_Chelsea_FC_chelseafc_52m_

Loic Remy oo markii ugu horeysay tababarka la bilaabay kooxdiisa Chelsea isaga oo diyaar u ah kulanka Swansea City +Sawirro

(London) 10 Sebtember 2014.Weeraryahanka cusub ee kooxda  Loic ...
article-2749916-21391EDC00000578-665_308x237

Aaron Ramsey oo dhaawac soo gaaray halisna ugu jira in uu seego kulanka Manchester City +Sawirro

(London) 10 Sebtember 2014. Aaron Ramsey ayaa dhaawac ...
Team brazil

Daawo: Xulka Brazil oo saakay guul ciriiri ah ka gaaray Ecuador ciyaar saaxiibtinnimo + Sawirro

(New Jersey) 10 Sebtember 2014. Xulka qaranka Brazil ...
Van holland

Xulka Holland oo guuldarro kala kulmay Czech Republic iyo kulamadii kale + Sawirro

(Prague) 10 Sebtember 2014. Xulka Netherlands ayaa guuldarro 2-1 ...
Bale

Gareth Bale oo guul ku hoggaamiyey xulka Wales… (Daawo Sawirrada)

(Andorra) 10 Sebtember 2014. Xulka qaranka Wales ayaa guul ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile