(Los Angeles), 06 December 2012

Xidigga kooxda Kubadda Koleyga Los Angeles Lakers ee dalka Mareykanka Kobe Bryant ayaa noqday laacibkii ugu da’da yaraa NBA-da ee dhaliya Kubbado dhibcahoodu gaarayo 30,000-dhibcood tan iyo markii uu bilaabay ciyaartan.
Guushan taariikhiga ah ayuu Brant gaaray kulankii Shalay ay kooxdiisa LA Lakers ay 103-87 kaga guuleysteen kooxda Orleans Hornets Horyaalka Kubadda Koleyga America.
Brant ayaa u baahnaa oo qura 13-dhibcood, taasoo uu helay jeestooyinkiisii 13-aad iyo 14-aad, sidaasina uu ugu biiray laacibiintii soo martay NBA-da ee gaaray 30,000-dhibcood.
Ciyaaryahan Bryant oo 34-jir ah ayaa noqonaya xidiggii 5-aad uguna da’da yaraa ee 30-dhibcood dhaliya Horyaalka Kubadda Koleyga Mareykanka, iyadoo ay horey Taariikhdaasi u gaareen ciyaartoydan kala ah:
1. Kareem Abdul-Jabbar, 38,387
2. Karl Malone, 36,928
3. Michael Jordan, 32,292
4. Wilt Chamberlain, 31,419
5. Kobe Bryant, 30,016
Kobe Bryant oo aad u faraxsan ayaa weriyeyaasha ku yiri “Waxa ugu yar ee aan dhihi karo waa sharaf weyn in ay ii tahay in aan herkan gaaro, mar walba oo aan maqlo arrintanna waxaan soo xusuusanayaa laacibiintii waayneyd sida Jordan ee soo maray Kubaddan Koleyga”.
Laacibiintii hore ee NBA-da America ayaa hambalyo u soo diray Kobe Bryant heerkan uu gaaray, iyadoo welina xidiggani uu ciyaaraha ku jiro isla markaana dhigi karo Rikoor cusub oo hor leh.
GOOL FM