Wednesday, June 19th, 2013

Kabtanka Chelsea John Terry oo dib ugu soo laabtay tababarka

Published on November 26, 2012 by

Isniin, 26-11-2012. Kabtanka kooxda Chelsea Jon Terry ee isagu dhaawaca kaga maqnaa kooxda Chelsea yaa lagu soo waramayaa inuu dib tababarka ugu soo laabtay ka hor kulankii shalay ee Chelsea iyo Man City.

John Terry ayaa tababar ku sameenayay garoonka Stamford Bridge ka hor kulankii Chelsea iyo Man City, iyadoo Terry uu dhaawac ka gaaray jilibka mar ay isku dhaceyn Luis Suarez kulankii Chelsea iyo Liverpool ee 11-kii November kaasoo ku idlaaday 1-1.

Terry ayaa dhaawaciisa ka hor ka soo laabtay ganaax 4-kulan ah kaddib fal isir faqooq ah uu kula kacay Anton Ferdinand, balse nasiib daro soo laabashadiisii ayaa soo gaaray dhaawac uu garoomada markale kaga maqnaado.

Waxa uuna sheegay John Terry inuu la shaqeyn doono tababaraha cusub ee Chelsea Rafa Benitez isagoo yiri “Waxaan Khamiistii tababaraha koowaad ee kooxda ku soo dhaweenay Benitez, ciyaartoyda dhamaana waxay eegayaan inay la shaqeeyaan”, sidoo kale John Terry ayaa amaan kala dul dhacay tababarihii faraha ka saaray koobka Champion League ay muddada dheer sugayeen ee Di Matteo isagoo sheegay inuu u rajeenayo inuu guuleysto mustaqbalka isla mar ahaantaana ay mahadsanid ku filnayn in la dhoho.

Comments

comments


Wararka

pri

WEERAR 3 XAGAL AH: AS Monaco oo AC Milan wax ka waydiisay laacibiinta Prince, Niang iyo El Shaarawy.!!

(Monte Carlo) 19 June 2013 Kooxda kaashka haysata ...
Elman1

Kabtan kooxda Elman oo rajo ka muujiyay kulanka ay galabta kooxdiisu ciyaareyso (Dhageyso)

(Daarfuur) 19 June 2013. Xasan Cali Rooble oo ...
aquilani-czech490ai_1

ITALY VS JAPAN: Macalinka Azzurri oo wax ka bedelaya safka hore balse….

(Rio De Janeiro) 19 June 2013 Macalinka Talyaaniga ...
Elman

Maamulka Elman oo faahfaahin ka bixiyey ciyaarta kooxdooda ay galabta la yeelaneyso APR (Dhageyso)

(Daarfuur) 19 June 2013. Asigoo ku sagan deegaanka ...
Wargays

SUUQA KALA IIBSIGA: Xanta suuqa & xidigaha lakala doonayo xagaagan.! (Wargaysyada)

(London) 19 June 2013 Wararkii ugu dambeeyay ee ...
women gool

Dhagayso: Barnaamijka Haweenka iyo Isboortiga ee GOOLFM

(Muqdisho) 19 June 2013- Waxaan halkaan idin kugu soo ...
9o1pjwpuq6idp1wd

25,000 oo Taageere oo isugu soo bixi doonta garoonka Munich ee Allianz Arena si ay u soo dhoweeyaan Tababare Pep Guardiola

(DPA) – Munich, 19 June 2013   Taageerayaal gaaraya 25,000 ...
Capello

WARGEYSYO: Fabio Capello waa macallinka cusub ee PSG

(Paris) 19 June 2013.Wargeysyo ayaa qoray in Fabio ...
cq5dam.thumbnail.490.338.margin

Isku Aadka Horyaalka Waddanka Ingiriiska xilli ciyaareedka 2013/2014 oo la soo saaray

 (Reuters) – London, 19 June 2013   Xiriirka Kubadda Cagta ...
italy-588

Fallanqeynta kulanka caawa Italy vs Japan ee koobka Qaaradaha

(Arena Pernambuco) 19 June 2013. Talyaaniga ayaa caawa ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile