Thursday, June 20th, 2013

John Obi Mikel oo heshiis cusub oo 5-sano ah u saxiixay Chelsea FC

Published on December 5, 2012 by

(London), 05 December 2012


Kooxda Kubadda Cagta Chelsea FC ee dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaadday in ay heshiis cusub oo 5-sano ah ka saxiixatay maanta xidiggeeda Khadka dhexe ee Reer Nigeria John Obi Mikel, taasoo Obi uu kula sii joogo doono illaa 2017-ka.

Warkan ayaa lagu soo bandhigay Bogga Internet-ka ay ku leedahay kooxda (The Blues), waxaana Obi Mikel oo 25-jir ah uu Chelsea u saftay 261-kulan, waxaana kooxdiisa kula guuleystay Koobka Horyaallada Yurub 1-jeer, Koobka FA-ga Ingiriiska 4-jeer, Horyaalka Ingiriiska 1-mar iyo Carling Cup 1-jeer.

“Wax walba waan kula guuleystay Chelsea sanadihii macaanaa ee aan la ciyaarayay, sharaf ayayna ii tahay in aan la ciyaaray laacibiin waaweyn sida Didier Drogba, John Terry iyo Frank Lampard” ayuu bogga Mikel u sheegay Bogga kooxdiisa Chelsea.

Mikel Obi waxa uu sheegay in uu rajaynayo in 5-sano ee soo socotana uu Koobab kale kula guuleysan doono kooxdiisa Chelsea oo uu ku soo biiray isagoo 19-jir ah sanadkii 2006-dii.

 

 

 

GOOL FM

Comments

comments


Wararka

epa_soccer_2013-06_2013-06-20_2013-06-20-03752329_epa

De Rossi ; « Qaybtii 2-aad ciyaartii Japan saacadda ayaan fiiriyay waxay tilmaameysay 68 daqiiqo, anna waxay ila noqotay inaan 200 Daqiiqo ciyaarayay ! »

(ANSA) – Brazil, 20 June 2013   Laacibka Khadka Dhexe ...
florentino-perez-649x330x80xX

Guddoomiyaha Real Madrid Florentino Perez oo gaaray London si uu u dhameeyo Heshiiska Bale

(EFE) – London, 20 June 2013   Guddoomiyaha kooxda Kubadda ...
Neymaar

SHEEKO CUSUB: Miisaanka Neymar oo la kordhinayo si uu….

(Reuters) Barcelona, 20 June 2013. Dhaqtarka naadiga Barcelona ...
Uruguay vs Nigeria

Confederations Cup: Uruguay Vs Nigeria….(Nigeria oo same-finalka u gudbi doonta haddii ay guul gaarto)

(Salvador, Bahia), 20 June 2013. Uruguay oo baahi ...
spain_vs_tahiti

Confederations Cup: Spain vs Tahiti….(Wax ka ogoow ka hor kulankooda)

(Rio de Janeiro), 20 June 2013. Xulka Spain ...
Isco and Bale

Real Madrid oo howsha Isco ka hor marineysa tan Gareth Bale

(EFE), 20 June 2013. Kooxda Real Madrid ayaa ...
Luis Suarez

Napoli oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Luis Suarez

(Naples), 20 June 2013. Naadiga ka dhisan dalka ...
Manchester City's Aleksandar Kolarov (right) celebrates with team-mate Carlos Tevez (left) after scoring their fourth goal

Juventus oo Kolarov iyo Tevez kawada dooneysa Man City

(Turin), 20 June 2013. Naadiga lagu naaneyso Marwada ...
Luiz2

David Luiz oo sanka ka jabay kulankii xalay ee Brazil+Sawirro

(Castelo), 20 June 2013. Daafaca reer Brazil David ...
Italy

Talyaaniga oo gaaray Semefinalka koobka qaaradaha markii uu dirqi kaga badiyey Japan + Sawirro

(Pernambuco) 20 June 2013. Xulka Talyaaniga ayaa xalay ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile