(Milano) 11 Dis 2012 Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in saami dhan 15 % ay kooxda Inter ka iibsanayso dallad Chinese ah waana mid daba socda warar xagaagii soo baxayay oo tibaaxayay inay Shiineeysku doonayaan inay marka hore saami yar ka iibsadaan kooxda Nerazzurri oo ay doonayaan inay marka dambe maalgeliyaan garoon ay kooxdani doonayso inay dhisato.
La Gazzetta dello Sport ayaa aaminsan inay Inter heshiis la gaartey dalladan oo ay tahay inay bedesho qaabkeeda maamul si loo dedejiyo heshiiska iyadoo ay howsha faraha kula jiraan garyaqaanno sharciyaqaano ah oo turxaan bixinaya waxyaaaha caqabadda ku ah inuu hirgalo heshiiskan oo la doonayo in lakala saxiixdo horaanta sanadka soo aadan ee 2013.
Gool FM