(AFP), 07 December 2012

Kooxda Kubadda Cagta Genk ee waddanka Belgium ayaa soo gaartay Wareegga 32-kooxood ee Koobka EUFA Europa League markii xalay ay 0-0 la gashay kooxda Basel ee ka dhisan Switzerland Qaybta G, waxaana ay urursatay 12-dhibcood.
Qaybtaasi waxaa kulammo ay u baaqdeen kooxaha Videoton FC iyo Sporting Cp oo iyagu ciyaaray min 5-kulan.
Qaybta 7-aad ee H; kooxaha Robin Kazan iyo Inter Milan ee dalalka Ruushka iyo Talyaaniga ayaa xaqiijiyay soo gaaridda kulammada 32-ka Tartankan, waxaana xalay kooxda Inter ay barbar dhac 2-2 la dhaafi weysay kooxda FK Neftchi ee dalka Uzbekistan, halka Rubin Kazan iyana bareejo 1-1 isku mari waayeen kooxda Partizan Belgrad ee Serbia.
Kazan ayaa kaalinta 1-aad gashay iyadoo leh 14-dhibcood, halka Inter-na la timid 11-dhibcood.
Qaybta 8-aad ee I; kooxda Lyon ee dalka Faransiiska ayaa kus oo baxday kaalinta 1-aad markii ay heshay 16-dhibcood iyadoo kulankii xalay ee 6-aadna 2-0 ku garaacday kooxda Yuhuudda ah ee Ironi Kiryat Shmona, waxaana kaalinta 2-aad ee Qaybtan ku soo baxday kooxda Spartak Prague ee Czech oo iyana la timid 9-dhibcood, ciyaartii ugu dambeysay ee xalayna 0-0 la gashay Athletic Bilbao oo ka dhacday kaalinta 3-aad.
Qaybta 9-aad J, ee EUFA Europa League kooxda Lazio ee Talyaaniga iyo Tottenham ee Ingiriiska ayaa u soo gudbay kulammada 32-kooxood, waxaana Lazio kaalinta 1-aad ay heshay 12-dhibcood, halka Totteham-na gashay kaalinta 2-aad iyadoo urursatay10-dhibcood.
Lazio waxay 4-1 ku xaaqday kooxda Maribor ee Slovenia, halka Tottenham 3-1 ugu awood sheegatay kooxda Panathaniakos ee dalka Giriigga.
Qaybta 10-aad ee K; kooxda Metalist Kharkiv ee dalka Ukraine ayaa kaalinta 1-aad xiratay iyadoo heshay 13-dhibcood, halka kooxda Bayer Leverkusen oo ay isku dhibco yihiinna gashay kaalinta 2-aad, waxaana labada kooxood ay boos ka heleen ciyaaraha xiga ee 32-ka kooxood.
Qaybta ugu dambeysa ee 11-aad ee L; waxaa wareegga 32-ka ee EUFA u soo gudbay kooxaha Hannover ee dalka Jarmalka oo kaalinta 1-aad loogu tegi waayay iyadoo heshay 12-dhibcood, halka kooxda Levante ee Spain ay iyana fariisatay kaalinta 2-aad heshayna 11-dhibcood.
Natiijooyinkii kulammadii la ciyaaray xalay:
Europa League – Group G:
06/12/2012 Racing Genk 0 – 0 Basel
Europa League – Group H:
06/12/2012 Inter Milan 2 – 2 FK Neftchi
06/12/2012 Partizan Belgrade 1 – 1 Rubin Kazan
Europa League – Group I:
06/12/2012 Athletic Bilbao 0 – 0 Sparta Prague
06/12/2012 Lyon 2 – 0 Ironi Kiryat Shmona
Europa League – Group J:
06/12/2012 NK Maribor 1 – 4 Lazio
06/12/2012 Tottenham H. 3 – 1 Panathinaikos
Europa League – Group K:
06/12/2012 Bayer Leverkusen 1 – 0 Rosenborg
06/12/2012 Rapid Vienna 1 – 0 Metalist Kharkiv
Europa League – Group L:
06/12/2012 FC Twente Enschede 1 – 3 Helsingborg
06/12/2012 Levante 2 – 2 Hannover

Ciyaartoyda Lazio oo ku faraxsan guushoodii xalay ay ka gaareen Maribor.


Laacibiinta Bordeaux oo u dabaal degaya guushii ay ka qaateen Newcastle United
Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf Khasaaro
GOOL FM Rennes – France