Thursday, June 20th, 2013

Hamann oo weeraray laacibiinta iska dhaliilaya Rafa Benitez.!

Published on November 24, 2012 by

(Munchen) 24 Nif 2012  Didi Hamann ayaa weeraray ciyaartooyda qabka wayn isagoo ka hadlayay dhaleecaynta ay ciyaartooydii ay isku kooxda ahaayeen ee Liverpool u jeediyaan macalinka kumeel gaarka ah ee  Chelsea Rafa Benitez.

Macalinkan Spanish-ka ah ayaa lagu dhaliilay inuusan badiyaa amaanin ciyaartooydiisa isagoo mararka qaar kooxda 1-aad ka tuura laacibiinta xidigaha ah isagoo aan sababta u sharrixin iyadoo waxyaabaha uu dalbanayo ay mararka qaar ka bataan waxa uu qaban karo laacibku.

”Uma baahni in la ii sheego sida aan cajiib u ahay markasta. Waxaa beryahan soo batay laacibiin jecel in maanta oo idil amaantiisa lagu mashquulo lkn taas kama heleysid Benitez” ayuu yiri laacibkii Jarmanka.

”Waxa ugu wayn ee uu macalinku codka kalsoonida kugu siin karo waa inuu kugu daraa safka 1-aad, maxaa yeelay taasi waxay muujinaysaa inaad tahay laacib wanaagsan. Waxay ila tahay in Benitez yahay macalin ka mid ah kuwa ugu wanaagsan” ayuu hadalkiisa ku jaray Hamann oo sidoo kale sheegay inuusan dhib u arag xitaa hadii aan loo sharixin sababtii kaydka loo geliyay.

Gool FM

Comments

comments


Wararka

epa_soccer_2013-06_2013-06-20_2013-06-20-03752329_epa

De Rossi ; « Qaybtii 2-aad ciyaartii Japan saacadda ayaan fiiriyay waxay tilmaameysay 68 daqiiqo, anna waxay ila noqotay inaan 200 Daqiiqo ciyaarayay ! »

(ANSA) – Brazil, 20 June 2013   Laacibka Khadka Dhexe ...
florentino-perez-649x330x80xX

Guddoomiyaha Real Madrid Florentino Perez oo gaaray London si uu u dhameeyo Heshiiska Bale

(EFE) – London, 20 June 2013   Guddoomiyaha kooxda Kubadda ...
Neymaar

SHEEKO CUSUB: Miisaanka Neymar oo la kordhinayo si uu….

(Reuters) Barcelona, 20 June 2013. Dhaqtarka naadiga Barcelona ...
Uruguay vs Nigeria

Confederations Cup: Uruguay Vs Nigeria….(Nigeria oo same-finalka u gudbi doonta haddii ay guul gaarto)

(Salvador, Bahia), 20 June 2013. Uruguay oo baahi ...
spain_vs_tahiti

Confederations Cup: Spain vs Tahiti….(Wax ka ogoow ka hor kulankooda)

(Rio de Janeiro), 20 June 2013. Xulka Spain ...
Isco and Bale

Real Madrid oo howsha Isco ka hor marineysa tan Gareth Bale

(EFE), 20 June 2013. Kooxda Real Madrid ayaa ...
Luis Suarez

Napoli oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro Luis Suarez

(Naples), 20 June 2013. Naadiga ka dhisan dalka ...
Manchester City's Aleksandar Kolarov (right) celebrates with team-mate Carlos Tevez (left) after scoring their fourth goal

Juventus oo Kolarov iyo Tevez kawada dooneysa Man City

(Turin), 20 June 2013. Naadiga lagu naaneyso Marwada ...
Luiz2

David Luiz oo sanka ka jabay kulankii xalay ee Brazil+Sawirro

(Castelo), 20 June 2013. Daafaca reer Brazil David ...
Italy

Talyaaniga oo gaaray Semefinalka koobka qaaradaha markii uu dirqi kaga badiyey Japan + Sawirro

(Pernambuco) 20 June 2013. Xulka Talyaaniga ayaa xalay ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile