Monday, May 25th, 2015

Guuldaradii xalay ee Man United oo dusha loo saariyay Nani!

Published on November 1, 2012 by

Khamiis, 01-11-2012. Ciyaartii xalay ay kooxda Man United guuldarada 5-4 kala kulantay kooxda Chelsea ciyaar qeyb ka ahayd Capital One Cup, ayuu tababare Sir Alex Ferguson ku eedeeyay guuldaradaasi inuu ka dambeeyay Luis Nani oo awalba cago ku taagneyn isla markaana la filayo in xagaaga soo socda uu isaga tago Man United.

United-ka ayaa saddex jeer hogaanka qabatay, balse ciyaarta oo ahayd 3-2 iyo waliba daqiiqadihii ugu dambeysay ayaa waxaa laga dhaliyay Man U kubbad uu ku lug lahaa Luis Nani isla markaana rigoore ay ku gashay Man United, sidaana uu ku bar-bareeyay Eden Hazard.

Ferguson oo wareysi siinayay shabakada caalamiga ah ee Sky Sport ku yiri “Kaddib markii aan dhalinay goolkii 3-aad innagaa maamulaneynay garoonka, dhab ahaana kubbad qurux badan ayaan ciyaareynay, waxa kaliya oo aan u baahnayna waxay ahayd inaan kubbada heysano, hase ahaatee Nani ayaa go’aansaday inuu garaaco ciyaaryahan, kubbadiina lumiyay, weerarkiina dhankeena soo aaday sidaana rigoore ay ku helayn”

Ferguson oo hadalakiisa sii wata ayaa ku daray “Ma garanayo in rigooradu ahayd mid saxan iyo inkale, balse da’yarta ayaa xalaad adag galay daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray”. Ugu dambeyn Ferguson ayaa yiri “Nani waa ciyaaryahan qibrad leh, balse waa ciyaaryahan doonaya inuu garaaco ragga, taasna kuma dhiiro galiyo oo marwaliba waan ka joojiyaa, sheekadu markey sidaa ahayd haddii aan kubbada ku heysan lahayn dhanka calanka ciyaartu waa ay dhamaan lahayd”.

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

Gerrard

IS BAR BAR DHIG: Steven Gerrard vs Frank Lampard

(London) 26 Maajo 2015. Waxa shalay ka baxay ...
ancelotti-berlusconi-galliani-lettera43-475x291

Maxaa ka cusub madaxa Milan & Macallin Ancelotti?

(Madrid) 25 Maajo 2015 - Carlo Ancelotti waa ...
Carllll

Tababarihii laga ceyriyey Real Madrid Carlo Ancelotti oo Twitter-ka ku soo hadlay…..Muxuu ku soo yiri?

(Madrid) 26 Maajo 2015. Kooxda Real Madrid ayaa ...
Steven_Gerrard_1457824i

Waxa ay ahayd qalad in Liverpool ay iska dirto Gerrard, Merson

(London) 25 Maajo 2015. Paul Merson ayaa sheegay ...
s

SERIE A: LAZ v ROM 1-2…Kooxda Roma oo Lazio ka reebi rabta CL + Sawirro

(Roma) 25 Maajo 2015 - Kooxda AS Roma ...
Otamnedi

Wakiilka Otamendi oo si rasmi ah u xaqiijiyey in uu kalyantigiisa rabo ka tagitaanka Valencia

(Valencia) 25 Maajo 2015. Wakiilka daafaca Valencia Nicolas ...
Arsenal

Schneiderlin oo qishay in uu ku biirayo Arsenal-muxuu yiri..?

(London) 25 Maajo 2015. Arsenal ayaa war farxad ...
ggggggg

Wixii ka dhacay shirkii jaraa’id ee lagu eryey Ancelotti. khudbadii Perez, Ronaldo oo Twitter-ka beegsay+tababaraha laga yaabo in uu badalo Ancelotti

(Manchester) 25 Maajo 2015 . Real Madrid waxa ...
Mo-Farah

MO FARAH MA AHA MIDKAAD MOODDO: Waa ninkii aabihii arooskiisa ka qarsaday! + Sawirro & muuqaal (Qaybtii 1-aad)

(London) 25 Maajo 20145 - Aabe Muktar Farah, ...
s

GOOGOOSKA: SS Lazio vs AS Roma 1-2 (Lazio oo lagu dardaray Derby della Capitale)

Lazio: Marchetti; Basta, De Vrij, Gentiletti, Lulic; Parolo, Biglia; ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile