Friday, October 31st, 2014

DAAWO SOMALIA MIKE TYSON: Feeryahan Soomaaliyeed oo xalay wacdaro ka dhigay Magaalada Herning ee dalka Denmark.

Published on February 21, 2013 by

tooxow(Herning) 21 Feb 2013  Tartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA oo xalay ka dhacay magaalada Herning ee dalkaas Denmark ayaa waxaa u suuragashay ciyaartooy soomaaliyeed oo u ciyaarayay dalkaasi Denmark in uu ka soo hooyo guul aad u weyn ka dib markii uu wareegii 1aad ee ciyaarta daqiiqadeedii koowaad uu sare jooga ka tuuray ciyaar yahankii ka soo horjeeday oo ahaa nin asalkiisu yahay Kurdi laakiin u ciyaarayay isla dalkaasi Denmark.

Ciyaartan oo ay ka soo qayb galeen wadmo badan ayaa xalay ciyaaryahankan soomaaliyeed waxay ahayd ciyaartiisii ugu horeysay oo rasmi ah halka nin ka uu la tartamayay uu ahaa nin caan ku ah ciyaarta horayna u soo saftay kulamo badan ayaa xalay waxaa dadka amankaag iyo fajiciso ku noqotay tabtii iyo dardartii uu la soo shirtagay ciyaaryahankan soomaaliyeed.

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil M. Tooxoow oo dhererkiisu yahay 2.2m, culayskiisuna yahay 93kg ayaa noqonaya ciyaar yahankii soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ka qayb gala tartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA.

Ciyaar yahan Tooxoow oo ah wiil 22 jir ah kuna barbaaray dalkaasi Denmark ayay sheegeen macalimiintiisu in uu leeyahay mustaqbal wanaagsan oo ku aadan ciyaartan iyo in uu horseed u noqon karo jiilka cusub ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee yurub ku barbaaray in ay sidoo kale ka soo muuqdaan tartamada ciyaaraha kala duwan.

Tooxoow oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa u sheegay in guushan uu u hadiyadaynayo dhamaan shacabka Somaaliyeed meel walba oo ay ku suganyihiin.

Aqristayaasheena sharafta leh waxaan u balan qaadaynaa in maalmaha soo socda aan u soo gudbin doono ciyaartii xalay oo muuqaal ah hadii Alaah yiraahdo.

Tartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA oo xalay ka dhacay magaalada Herning ee dalkaas Denmark ayaa waxaa u suuragashay ciyaartooy soomaaliyeed oo u ciyaarayay dalkaasi Denmark in uu ka soo hooyo guul aad u weyn ka dib markii uu wareegii 1aad ee ciyaarta daqiiqadeedii koowaad uu sare jooga ka tuuray ciyaar yahankii ka soo horjeeday oo ahaa nin asalkiisu yahay Kurdi laakiin u ciyaarayay isla dalkaasi Denmark.

Ciyaartan oo ay ka soo qayb galeen wadmo badan ayaa xalay ciyaaryahankan soomaaliyeed waxay ahayd ciyaartiisii ugu horeysay oo rasmi ah halka nin ka uu la tartamayay uu ahaa nin caan ku ah ciyaarta horayna u soo saftay kulamo badan ayaa xalay waxaa dadka amankaag iyo fajiciso ku noqotay tabtii iyo dardartii uu la soo shirtagay ciyaaryahankan soomaaliyeed.

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil M. Tooxoow oo dhererkiisu yahay 2.2m, culayskiisuna yahay 93kg ayaa noqonaya ciyaar yahankii soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ka qayb gala tartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA.

Ciyaar yahan Tooxoow oo ah wiil 22 jir ah kuna barbaaray dalkaasi Denmark ayay sheegeen macalimiintiisu in uu leeyahay mustaqbal wanaagsan oo ku aadan ciyaartan iyo in uu horseed u noqon karo jiilka cusub ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee yurub ku barbaaray in ay sidoo kale ka soo muuqdaan tartamada ciyaaraha kala duwan.

Tooxoow oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa u sheegay in guushan uu u hadiyadaynayo dhamaan shacabka Somaaliyeed meel walba oo ay ku suganyihiin.

Aqristayaasheena sharafta leh waxaan u balan qaadaynaa in maalmaha soo socda aan u soo gudbin doono ciyaartii xalay oo muuqaal ah hadii Alaah yiraahdo hadaba halkan hoose ka daawo muuqaalka.

WQ. Abdiaziz Mohamed

aziizxg@hotmail.com

Xigasho: Shaaciye.com

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

exceptional-omar-ordonia-scores

CAJIIB: Ciyaaryahan ka dheela Horyaalka Falastiin oo dhaliyay gool la mid ah kii uu Maradona ka dhaliyay Ingiriiska (Daawo)

(Ramallah), 31 Oktoobar 2014   -Dhammaadkii ciyaar ka tirsanayd ...
Falcoa

Wayne Rooney oo diyaar u ah kulanka Manchester Derby, balse Radamel Falcao ayaan ciyaari doonin

(Manchester) 31 Oktoobar 2014. Tababaraha kooxda Manchester United ...
Burnley-v-Everton

Everton oo u riyaaqday heshiiskana u cusbooneysiinaysa Samuel Eto’o

(London), 31 Oktoobar  2014    -Wararka ka imaanaya ...
S

KABAWAYN KOOB LA’AAN AH: AC Milan & Man Utd oo ka wada hadlaya inay kulan qaali ah ciyaaraan! (Goobtee & goortee?)

(Milano) 28 Okt 2014 - Kooxda AC Milan ...
f2

DAAWO TIRAKOOBKA: Kulanka Man C vs Man U oo noqon kara midkii ugu badnaa ee ay saftaan laacibiin Laatiin ah! + Sawirro

(Manchester) 31 Okt 2014 - Laacibiinta reer South ...
s

IS BARBARDHIG: Man C vs Man U middee ciyaartooy wanaagsan? + Sawirro

(Manchester) 31 Okt 2014 - Waa shaki la'aan ...
img3.kooora.com

Eeg Rikoorrada qarka u saaran in la jebiyo xilli Ciyaareedkan 2014-2015

(London), 31 Oktoobar 2014     -Illaa 7 Rikoor ...
s

KEENA MAN CITY: Xidigaha Man Utd oo u diyaar garoobaya Derby-ga Manchester! + Sawirro

(Manchester) 31 Okt 2014 - Angel di Maria ...
Santos and Ronaldo

“Cristiano Ronaldo kuma waalna Rikoodho jabinta ee waa wax la shaqeeya DNA-giisa”. Santos

(Portugal) 31 Agoosto 2014. Tababaraha xulka Portugal Fernando ...
Ronalddo

“Haddii ay ahaan lahayd doorasho xor ah, C. Ronaldo kuma uusan guuleysteen”. Madaxwaynaha Horyaalka Spain

(Spain) 31 Oktoobar 2014. Madaxwaynaha horyaalka La Ligaha ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile