(London), 06 December 2012

Xidiggii hore ee kooxda Chelsea Didier Drogba, haatanna u ciyaara kooxda Shanghai Shenhua ee dalka Shiinaha ayaa caawa Xaflad heer sare ah u sameeyay dhammaan ciyaartoyda iyo Shaqaalaha Kooxda Chelsea, taasoo ay ugu dabaal degayeen Guushii Koobka Horyaallada Yurub xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Xafladdan oo Drogba uu ku qabtay Hotel-ka Wyndham ee u dhow garoonka Chelsea, waxaana madashani Caawa ka maqnaa Fernando Torres.
Dhammaan xiddigaha Chelsea oo xalay ka haray Koobka Horyaallada Yurub ayaa Casho heer sare ah ku wada cunay Hotelkaasi, iyagoo dib u soo xusuustay Habeenkii taariikhiga ahaa ee 20-kii May ee la soo dhaafay markii Koobkoodii Horyaalada Yurub ee ugu horreeyay ay ka fara marooqsadeen kooxda Bayer Munich.

Haddiyad qaali ah oo ahayd (Fargashi Qaali ah/ Bling Ring) ayuu Drogba ka wada safay dhammaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha Blues, waxaana kharashka lagu soo sameeyay Faraantiyadaasi lagu qiyaasay 800,000-Gini.
Xidigga weyn ee Reer Ivory Coast oo haatan tababar la qaadanaya kooxdiisii hore ee Chelsea maadaama uu xiran yahay Horyaalka China ayaa uu ka tagay kooxda Chelsea dhammaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana taageerayaasha Chelsea weli ka go’i la’ xusuustii iyo guulihii uu u horseeday kooxda.
Drogba ayaa sabab u ahaa in Chelsea ay kor u qaaddo Koobka Horyaallada Yurub xilli ciyaareedkii hore, waxaana haatan taageerayaasha Chelsea ay mar walba garoonka ku soo dhejiyaan Boor weyn oo uu ku qoran yahay “Drogba Xiddig!!”.
GOOL FM