(London) 11 Dis 2012 Warsidaha The Daily Star ayaa sheegaya in Mario Balotelli uu taagan yahay meel isgooys ah kadib markii ay Manchester City sheegtay inay laacibkan ku iibin doonto £ 10 milyan oo gini taasoo kala bar ka badan ka yar 24-kii milyan ee ay laacibkan ka bixisay xagaagii 2010-kii.
Waloow uu laacibkani yahay nin dabci ahaan qallafsan ibka Super Mario ayaa waxaa isku garbinaya kooxo dhowr ah oo ay kujiraan 3-da kooxood ee Milan, Juve iyo Inter, iyadoo ay kooxda AC Milan oo amaan ku doonaysa xidigan Talyaaniga ah ay tahay kooxda ugu dhow maadaama uu iyada taageero.
Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in macalinka Man City iyo Milan ay isku afgarteen inuu laacibkani amaah ku yimaado kooxda AC Milan.
Gool FM