(London), 04 December 2012

Kooxda Kubadda Cagta Chelsea FC ee dalka Ingiriiska ayaa taageerayaasheeda isu diyaarinaya soo dhoweynta sanadka cusub kaga farxisay heshiis cusub oo ay la galeen Daafaca da’da yar ee Reer Brazil iyo kooxda Fluminense Wallace Oliveira dos Santos.
Wallace oo 18-jir ah, kana tirsanaa 17-jirradii Reer Brazil ee ku guuleystay Koobkii Latin America sanadkii la soo dhaafay ayaa sidoo kale waxa uu kulankiisii ugu horreeyay ciyaartoyda safka hore ee Fluminense u saftay isagoo 17-jir ah, waxaana uu la qaaday Koobkii Horyaalka dalkaasi Brazil iyo Tartankii Gobolka Rio.
Chelsea ayaa boggeeda Internet-ka ku shaacisay in Wallace uu naadiga ku soo biirayo Bisha January marka uu dib u furmo Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inta xilli ciyaareedkan ka dhammaanayana uu la sii joogayo kooxdiisa Fluminense.
GOOL FM