Saturday, May 25th, 2013

Chelsea oo 160-Milyan Euro u soo bandhigtay Tababare Pep Guardiola

Published on December 11, 2012 by

(ESPN), 11 December 2012


Warar saakay oo Talaado ah soo baxay ayaa sheegaya in kooxda Kubadda Cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ay lacag aan caqli gal ahayn ay u soo bandhigtay tababaraha Shaqa la’aanta ah ee Pep Guardiola si ay ula soo wareegto xilli ciyaareedka soo socda.

Shabakadda ‘ESPN’ ayaa sheegtay in Maalqabeenka Milkiilaha ka ah kooxda Chelsea Roman Abramovic uu u soo bandhigay  Guardiola heshiis 4-sano ah iyo Mushaar dhan 32-Milyan oo Euro sanadkiiba, iyadoo mushaarka 4-taasi sano marka la isku darana uu noqonayo 128-Milyan oo Euro.

Abramovic intaasi kuma ekaanine waxa uu Guardiola siin doonaa lacago kale oo ka baxsan mushaarkiisa sida haddii uu Koobab ku guuleysto, waxaana marka lagu daro lacagahaasi abaalmarinnada ah ay xisaabtu isku noqonaysaa 160-Milyan oo Euro.

Sababaha uu Roman Abramovic sidan u yeelayo ayaa lagu tilmaamay sidii uu isbaarro ugu dhigi lahaa kooxaha daba jooga tababarahan ee doonaya in ay la wareegaan sida kooxda Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska, Machester City ee dalka Ingiriiska iyo Bayer Munich oo iyana ka dhisan Jarmalka.

Dhinaca kale Wakiilka tababarihii hore ee Barcelona Jose Maria ayaa saxaafadda u sheegay in Guardiola uusan weli wax go’aan ah ka gaarin mustaqbalkiisa ku aaddan xilli ciyaareedka soo socda.

 
GOOL FM

Comments

comments


Wararka

simad (13)

Jaamacadda SIMAD oo kulan ciyaareed u qabatay qaar ka mid ah Ardayda dhigata Jaamacadaasi + Sawirro

Sabti, 25 May 2013. Jaamacadda SIMAD oo ka ...
bvb-bm

Borussia Dortmund vs Bayern Munich (Kulanka kama-dambeysta Koobka Horyaallada Yurub)

25-05-2013 - Waxaa caawa lagu ballansan cayaarta kama-dambeysta ...
degmooyinka (23)

Afar degmo oo ku loolamay Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir (Daawo Sawirrada)

Sabti, 25 May 2013. Afar degmo ayaa ku ...
alanatore

Walter Mazzarri oo loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Inter

(ANSA), 24 May 2013   Kooxda Kubadda Cagta Inter Milan ...
europa-league

RASMI : UEFA oo ku dhawaaqday in kooxdii ku guuleysata Koobka UEFA ay toos uga qayb geli doonto Horyaallada Yurub

(Reuters), 24 May 2013   Xiriirka Kubadda Cagta UEFA ayaa ...
C_3_Media_1708376_immagine_oleft

WAR DEG DEG AH : Napoli oo qaadatay tababare Rafael Benitez

(Italy), 24 May 2013   Kooxda Kubadda Cagta Napoli ee ...
1956063_w2

Xiriirka UEFA oo adkeynaya Xeerka Ciqaabta Midab Takoorka ka dhaca Kubadda Cagta

(Reuters), 24 May 2013   Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ...
int

WAR DEG DEG AH: Inter oo cayrisay Andrea Stramaccioni

(Milano) 24 May 2013 Camaaliqada reer Talyaani ee ...
Ibra

Ibrahimovic oo u xiisay qadadii lacag la’aanta ahayd ee Talyaaniga!!

(Paris) 24 May 2013 Zlatan  Ibrahimovic waa mid ...
real

DAAWO: Baska gaarka ah ee Real Madrid oo si bilaash ah ku qaaday taageerayaal sugayay bas caadi ah!

(Madrid) 24 May 2013 Xilli-ciyaareedkii lasoo dhaafay dabcan ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile