(Madrid), 07 December 2012

Boqorradda dalka Spain Queen Sofia ayaa abaalmarinta Ciyaartoyga ugu fiican guud ahaan dalka Spain guddoonsiisay weeraryahanka Kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo, xaflad ay ka soo qayb galeen rag waaweyn oo Isboortiga ka tirsan iyo qaar ka tirsan Qoyska Reer Boqor.
Ronaldo ayaa abaalmarintani oo lagu magacaabo “Premio Nacional del deporte” ku muteystay kaalintii uu ka qaatay guulihii kooxda Real Madrid sanadkii 2011-kii, waxaana Ronaldo oo aad u faraxsan uu boqorrada ka guddoomay Abaalmarintii ay guddoonsiisay.
Laakiin saxaafadda waxyaabhaa lala yaabay waxaa ka mid ah iyadoo la arkayay Ronaldo oo intii ay xafladdaasi socotay calalinaya Xanjo markii la soo gaaray xilligii Abaalmarinta uu Xanjadii meeluu geeyo inta uu waayay Jeebka ku ritay.
Cristiano Ronaldo ayaa boggiisa Facebook-ga ku qoray “Abaalmarintani waxaan u haddiyadeeyay guud ahaan taageerayaasha Real Madrid”.
Boqorradda Spain oo Abaalmarin guddoonsiinaysa Cristiano Ronaldo
Daawo Ronaldo Xanjadii uu Calalinayay ku qarinaya Jeebkiisa:
GOOL FM