Tuesday, June 18th, 2013

Bisaddii Madoobayd ee soo gashay Garoonka Barcelona ma waxay ka socotay Jose Mourinho?!

Published on December 7, 2012 by

(Madrid),  07 December 2012
Kaddib markii habee hore uu dhaawac soo gaaray Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ciyaartii ay kooxdiisu barbar dhac 0-0 isla dhaafi waayeen kooxda Benfica ee dalka Portugal ayaa waxaa isku soo beegmay dhaawaca Messi iyo Bissad/Mukulaal Madoow oo garoonka Camp Nou soo gashay.

Bisaddii joogtay Garoonka Real Madrid iyo tii soo gashay garoonka Barcelona ee Labaduba Madoobaa

Saxaafadda Spain ayaa weli hadal haysa Bisaddaasi waxaana qaarkood ay qoreen in Bisaddaasi ay sabab u ahayd Nasiib darradii ku dhacday Messi ayna ka socotay dhinaca Jose Mourinho.

Warkani oo aan la garanayn in uu yahay Ila qosol ama Mid sax ah ayaa wargeysyada Spain waxa ay caddeyn u soo qaateen Bisaddii Madoobeyd ee hadda ka hor lagu dhex arkay xarunta tababarka Real Madrid iyadoo tababaraha kooxdaasi Jose Mourinho uu dhowr kubbadood ku laaday oo uu la ciyaarayay.

Dad badan ayaa markii ay Sheekadaasi soo xusuusteen waxa ay is weydiiyeen “Bisaddani ma tii Jose Mourinho mise waa mid u eg?!!!!”.

Comments

comments


Wararka

Ribery-Benzema-AFP

Maxkamaddii Ribery iyo Karim Benzema oo dib loo dhigay illaa sanadka dambe

(AFP) – Paris, 19 June 2013   Maxkamad ku taalla ...
article-2344034-1A637DD8000005DC-177_634x507

Daawo Sawirrada Xulka Spain oo ku guuleystay Koobkii Qarammada Yurub ee 21-jirrada

 (EFE) – Jerusalem, 19 June 2013   Xulka Qaranka  Spain ...
Iran

Iran iyo South Korea oo u soo baxay Koobka Adduunka 2014-ka ee Brazil

  (Reuters) – Seoul, 18 June 2013   Xulka Qaranka Waddanka ...
Ethiopian-Team

Itoobiya oo laga celin doono 3-dii Dhibcood ee ay ka heshay Kulankeedii Botswana

(Reuters) – Addis Ababa,  18 June 2013   Guddoomiyaha Xiriirka ...
Brazil_1

Brazil oo Dakhli fara badan ka soo gali doono Dalxiisayaasha daawanaya Koobka Qaaradaha

(DPA), 18 June 2013   Shabakadda ‘Globo’  ee Waddanka Brazil ...
ita

GOOGOOSKA: Italy vs Spain 2-4 (Spain oo markale Italia afar u dhiibtay)

Italy U21: Bardi; Donati, Bianchetti, Caldirola, Regini; Florenzi, ...
cavaniiiii

Napoli oo dalab adag hor dhigtay Real Madrid!….(Madrid oo aqbali doonta haddii ay dhab u dooneyso Cavani)

(EFE) 18 June 2013. Warar soo ifbaxaya saakay ...
Har

Hawd vs Daad Madheedh 1-0 (Hawd oo soo labaysay Maroodi Jeex)

Halkan ka DAAWO Gool FM
Har

Maroodi Jeex vs Gabiley 2-1 (Maroodi Jeex oo isa soo mutaxday madasha finalka)

Halkan ka DAAWO Gool FM
Shaciyarada

Dhagayso: Barnaamijka Sharciyada Isboortiga ee GOOLFM

Talaado, 18 June 2013. Waxaan halkaan idin kugu soo ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile