(Napoli), 07 December 2012

Weeraryahanka xulka Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska Super Mario Balotelli ayaa isagoo jooga Ingiriiska waxaa saaxiibtiisa Raffaella Fico ay Gabar ugu dhashay magaallada Napoli ee Koonfurta Talyaaniga.
Saxaafadda Talyaaniga ayaa saakay shaacisay in gabadha Reer Talyaani ee dhinaca Xayaysiinta Dharka ku caan baxday Raffaella Fico ay ku umushay Isbitaalka Dhalmada ee “Clinica Mediterranea Via Orazio” waxaana gabadha Balotelli u dhalatay ay u bixisay magaca “Pia”.
Balotelli oo kal hore Uurkani aqbalay markii loo kala qaaday tijaabada Dhiigga lagu ogaado lahaanshaha Ilmaha ee “Paternity test”, waxaana laga yaabaa in Balotelli uu gabadhiisan ugu horreysay mageceeda ku qorto jirkiisa si uu ugu daro Farshaxanka dhowrka nuuc ah ee ku qoran jirkiisa.
Uurka Raffaella Fico ayaa saxaafaddaha kala duwan goor sii horreysay ay ku tilmaameen in ay yihiin Mataano, taasoo aan noqon sidii ay u saadaaliyeen.
Mario waxa uu haatan isu diyaarinayaa kulanka culus ee Toddobaadka Axadda soo socota ay Manchester City garoonkeeda kula yeelan doonto kooxda Manchester United ee ka tirsan Horyaalka Ingiriiska.