(Milano) 11 Dis 2012 Kooxda AC Milan ayaa ku dhaqaaqday qorshihii ay ku bedelaysay laacibkooda khadka dhexe ee Nigel de Jong oo dhaawac ku maqnaan doona inta ka dhiman xilli-ciyaareedkan iyadoo doonaysa inay soo hesho labo laacib midkood.
Corriere dello Sport ayaa fahamsan in Radja Nainggolan iyo Kevin Strootman ay yihiin bartilmaameedyada ay Milan doonayso inay geliso booska De Jog.
Strootman ayaa loo arkaa nin leh qaab ciyaareedka Mark van Bommel, oo ay Milan u taqaanno ”Il Generale” ama Jeneraalka halka laacibka Belgium-ka ah ee Nainggolan oo sidoo kale bartilmaameed u ah Juventus uu doorbidayo macalinka Milan Massimo Allegri iyadoo bisha Janaayo la ogaan doono koodii ay soo qaadato kooxda Milan.
Si kastaba, waxaa jira caqabado waawayn oo dhinaca kaashka ah iyadoo ay PSV 20 milyan oo euro dul dhigayso Strootman halka gudoonka Cagliari ay sanad kahor Juve isku mari waayeen kharashkii ay ku doonaysay Nainggolan.
Gool FM