Wednesday, January 28th, 2015

10-KA SARE EE AFRICA: Waa kuwee 10-ka Ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan Africa!

Published on December 6, 2012 by

Khamiis, 06-12-2012. Waxaa la is waydiiyay ciyaartoyda ugu mushaarka badan qaaradeena Africa, waxaan isku taxalujinay oo inoo suuro gashay inaan idin soo ururino 10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaarka badan Africa haddaba hoos ka eeg.

Samuel Eto’o (Cameroon)

Eto’o ayaa iminka u ciyaara naadiga reer Russia ee Anzhi Makhachkala waxa uuna yahay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Africa sheekadu intaa kaliya kuma ekee wuxuu kaloo yahay ciyaaryahanka adduunka ugu mushaarka badan

Wuxuu qaataa sanadiiba 20-milyan oo euro marka laga saaro lacagaha canshuuraha looga qaato, waxa uuna u saftay xulkiisa Cameroon 110-kulan wuxuuna u dhaliyay 53-gool.

Yaya Toure (Ivory Coast)

Xiddigan ayaa iminka u safta Man City wuxuuna ahaa ninka ugu mushaarka badan ciyaartoyda Africa ka hor inta uusan Eto’o ku biirin naadiga Anzhi Makhachkala.

Yaya ayaa iminka sanadiiba mushaar ahaan u qaata 15-milyan oo Euro.

Didier Drogba (Ivory Coast)

Ninka ay wali qalbiga ku hayaan taageerayaasha Chelsea Didier Drogba ayaa iminka u ciyaara kooxda Shanghai Shenhua ee ka dhisan Shiinaha isagoo mushaar ahaan sanadiiba kaga qaata 12.9-milyan oo euro.

Seydou Keita (Mali)

Keita ayaa iminka u ciyaaara kooxda Dalian Aerbin F.C ee dalka Shiinaha, wuxuuna sanadiiba mushaar ahaan kaga qaataa 12-milyan oo bound.

Emmanuel Adebayor (Togo)

Adebayor ayaa iminka u ciyaara kooxda Tottenham ee dalka Ingiriiska, inkastoo gursiga keydka kaga jiro haddana waxa uu mushaar ahaan kaga qaataa sanadiiba adduun dhan 10-milyan oo euro.

Kolo Toure (Ivory Coast)

Inkastoo Kolo tan iyo markii uu ku biiray kooxda Man City ee dalka Ingiriiska uusan kulama badan ka soo dhex muuqan misane wuxuu sanadiiba u qaataa mushaar ahaan adduun dhan 5.8-milyan oo euro.

Christopher Samba (Congo)

Daafacan iminka u ciyaara kooxda Anzhi Makhachkala ee dalka Ruushka ayaa markii hore weerar kaga ciyaari jiray kooxda Blackburn Rovers ee dalka Ingiriiska isagoo 16-gool u dhaliyay 161-kulan uu u saftay, balse markii dambe daafac noqday wuxuuna mushaar ahaan kaga qaataa kooxda Anzhi adduun dhan 5.5-milyan sanadiiba.

Frederic Kanoute (Mali)

Xiddiga heysta diinteena Islaamka eee Kanoute ayaa haatan u safta kooxda Beijing Guoan ee dalka Shiinaha waxaana la sheegayaa in mushaar ahaan u qaato sanadiiba 6.2-milyan oo  bound.

Xiddigan ayaa waxaa iska dhalay aabe Mali ah iyo hooyo ka soo jeeda dalka Faransiiska.

Michael Essien (Ghana)

Essien ee qadka dhexe kaga ciyaara Chelsea ayaa waxa uu amaah ahaan ugu joogaa iminka kooxda Real Madrid ee dalka Spain, waxa uuna mushaar ahaan u qaataa sanadiiba 5.1-milyan oo euro.

Mikel John Obi (Nigeria)

Obi ayaa isagu dhawaan heshiis cusub la saxiixday kooxdiisa Chelsea waxa uu markiisii hore intuusan ku soo biirin Chelsea ku sigtay inuu u ciyaaro Man United ayaa waxa uu isna sanadiiba mushaar ahaan u qaataa aduun dhan 4.5-milyan oo euro.

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

5

Wilfried Zaha oo si joogta ugu biiraya Crystal Palace

(Manchester) 28 Janaayo 2015. Crytal Palace waxa ay ...
4

Danilo Pantic: “Waxaan ku biirayaa Chelsea”

(London) 28 Janaayo 2015- Laacibka khadka dhexe ee naadiga ...
chelsea-stamford-bridge_7z2mmrpz9w0p1plxj6qrttm6z

Daawo Sawirradii ugu xiisaha badnaa ee xalay laga soo qabtay kulankii Chelsea iyo Liverpool Koobka Capital One

(London) 28 Janaayo 2015 – Aqristayaasheenna sharafta leh ...
3

Juan Mata oo sugi la’ in ay Man United ku soo laabato Champions League

(Manchester) 28 Janaayo 2015- Weeraryahanka kooxda Manchester United Juan ...
DSC_0325

GOOGOOSKA: Kooxaha Gaadiidka vs Savaana 3-0 (Gool TV)

(Muqdisho) 28 Janaayo 2015 – Kooxda kubadda cagta ...
2

Gareth Bale oo ka hadlay mustaqbalkiisa Real Madrid

(Madrid) 28 Janaayo 2015- Gareth Bale ayaa ku adkeystay ...
1

Chelsea oo bar-tilmaameed ka dhiganeysa Sergio Ramos

(London) 28 Janaayo 2015- Chelsea ayaa lagu soo waramayaa ...
barcelona-langs-atletico-madrid-in-kwartfinale-copa-del-rey

Falanqeynta kulanka kama dambeysta Semi final-ka Coppa del Rey ee kooxaha Atletico Madrid vs Barcelona

(Madrid) 28 Janaayo 2015 – Antoine Griezmann ayaa ...
article-2929183-25211C6900000578-780_636x382

Baraha bulshada oo ku maadeysatay Diego Costa kana sameeyay sawirro muujinayay hab dhaqankiisa kulankii Liverpool ee Capital One Cup +Sawirro

   (London) 28 Janaayo 2015. Diego Costa ayaa ahaa ...
251FBE7C00000578-2928944-image-a-4_1422393478520

Chelsea oo hoos u dhigtay dhaawaca Cesc Fabregas,kaasi oo laga cabsi qabo in uu seego kulanka kala baxa ee Manchester City +Sawirro

   (London) 28 Janaayo 2015. Tababaraha kooxda Chelsea Jose ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile