Monday, January 26th, 2015

Taariikhda Kooxda Manchester United oo kooban

Published on January 24, 2013 by

manuMagaca: Manchester United
Naaneysta: The Red Devils
Sanadkii la aasaasay: 1878
Tababaraha: Sir Alex Ferguson
Garoonka: Old Trafford
Tirada uu qaado: 76,212
Horyaalka ay ka cayaaraan: English Premier League

 

 

 

 

 

Manchester United oo sidoo kale loo yaqaanno ‘the Red Devils’ ama ‘Shayaadiinta Cascas’ waa naadi kubadda cagta ah oo ka ciyaara magaalada Manchester ee dalka Britain. Waxaa la aasaasay sanadkii 1878dii, waxayna noqdeen mid ka mid ah naadiyada ugu awoodda badan taariikhda Ingiriiska, waxayna ka mid yihiin kooxaha ugu taageerada badan, uguna hantida badan adduunka.

Man United waxaa garoonkeeda lagu magacaabaa Old Trafford oo ku yaalla magaalada Manchester. Naadigu wuxuu ku guuleystay koobab badan oo kala ah tiradii ugu badneyd ee horyaalka 1aad ee Premier league-ga, 2 horyaalka heerka 2aad, 11 FA cups, 4 League Cups, 19 Charity/Community Shields, 3 UEFA Champions Leagues, 1 UEFA Cup Winners Cup, 1 UEFA Super Cup, 1 Intercontinental Cup iyo 1 FIFA Club World Cup.

Manchester United waxaa tababare u ah Sir Alex Ferguson, iyadoo kooxda ay aadka u xifaaltamaan ay tahay kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Manchester City.

Taariikhda

Sanadkii 1958dii musiibadii diyaaradda dhacday waxaa ku geeriyooday 8 ka mid cayaaryahannadii Man United. Sanadkii 1968dii Man U waxay noqotay naadigii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee ku guuleystay Koobka Yurub, waxaana kooxda markaasi hoggaaminayay Matt Busby.

Tababaraha haatan ee kooxda Sir Alex Ferguson wuxuu kooxdiisa kula guuleystay 24 koob oo weyn tan iyo markii xilkaasi qabtay sanadkii 1986dii.

Man United waa naadiga ugu hodansan adduunka. Sida uu qiimeeyay wargeyska Forbes ee qiimeeya hantida adduunka, wuxuu tilmaamay in Man U ay ku jirto kaalinta koowaad ee 50ka koox ee ugu qiimaha badan adduunka.

Kaddib markii kooxda ay ku biirtay suuqa lagu iibsado saamiyada ee London ee lagu magacaabo London Stock Exchange, waxaa naadiga iibsaday Malcolm Glazer sanadkii 2005tii. Bishii Agoosto 2012, wuxuu naadigu ku biiray suuqa saamiyada ee New York.

 

Ciyaartoyda Kooxda

No. Dalka Booska Magaca
1 Spain Gool-haye David de Gea
2 Brazil Difaac Rafael
3 France Difaac Patrice Evra (vice-captain)
4 England Difaac Phil Jones
5 England Difaac Rio Ferdinand
6 England Difaac Jonny Evans
7 Ecuador Dhexda Antonio Valencia
8 Brazil Dhexda Anderson
10 England Weerar Wayne Rooney
11 Wales Dhexda Ryan Giggs
12 England Difaac Chris Smalling
13 Denmark Gool-haye Anders Lindegaard
14 Mexico Weerar Javier Hernández
15 Serbia Difaac Nemanja Vidić (captain)
No.  Dalka Booska Magaca
16 England Dhexda Michael Carrick
17 Portugal Dhexda Nani
18 England Dhexda Ashley Young
19 England Weerar Danny Welbeck
20 Netherlands Weerar Robin van Persie
22 England Dhexda Paul Scholes
23 England Dhexda Tom Cleverley
24 Scotland Dhexda Darren Fletcher
25 England Dhexda Nick Powell
26 Japan Dhexda Shinji Kagawa
27 Italy Weerar Federico Macheda
28 Netherlands Difaac Alexander Büttner
40 England Gool-haye Ben Amos
50 England Gool-haye Sam Johnstone

Garoonka Kooxda:

Old Trafford
Theatre of Dreams
A stand of a football stadium. The seats are red, and the words "Manchester United" are written in white seats. The roof of the stand is supported by a cantilever structure. On the lip of the roof, it reads "Old Trafford Manchester".
Meesha uu ku yaallo Sir Matt Busby Way,
Old Trafford,
Greater Manchester,
England
Goorta dhisiddiisa la billaabay 1909
Goorta la furay 19 February 1910
Yaa iska leh Manchester United
Yaa maamula Manchester United
Lacagta ku baxday in lagu dhiso £90,000 (1909)
Architect Archibald Leitch (1909)
Inta uu qaado 75,765 seated
Manchester United (1910–present)

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

s

GOOGOOSKA: Juventus vs AC Chievo Verona 2-0 (Juve oo la joojin la’yahay)

Juventus: Buffon; Caceres, Bonucci, Chiellini, Evra; Vidal, Marchisio, ...
s

GOOGOOSKA: Brighton and HA vs Arsenal 2-3 (Barbaarta Gunners oo kulan geesaha la isku guduudiyay ku guulaysatay)

Brighton and HA - Arsenal Gool FM
s

GOOGOOSKA: AC Fiorentina vs AS Roma 1-1 (Reer Viola oo Roma ka reebay Juventus)

AC Fiorentina - AS Roma Gool FM
s

GOOGOOSKA: Inter Milan vs Torino FC 0-1 (Inter oo gurigeeda lagu edbiyay)

Inter: Handanovic; D'Ambrosio, Vidic, Andreolli, Obi; Guarin, Kuzmanovic; ...
Soccer: Serie A; Sampdoria-Palermo

DAAWO SAWIRRADA: Samuel Eto’o oo uu wehliyo Guddoomiyaha Sampdoria oo Tarbuunka ku daawanayay kulankii Sampa iyo Palermo

(Genoa), 25 Janaayo 2015    -Weeraryahanka cusub ee ...
_80511883_balboa

AFCON 2015: Guinea Equatorial iyo Congo oo u soo baxay wareegga 8-da (Gabon iyo Burkina Faso oo la reebay)

(Bata), 25 Janaayo 2015   -Kulammadii 3' ee ugu ...
arse

Kooxda Arsenal oo u gudubtay wareegga shanaad ee FA Cup kaddib guul ay ka gaartay Brighton & Hove Albion + Sawirro

(Brighton) 25 Janaayo 2015 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ...
Silvaa

Xidigga cusub ee Real Madrid Lucas Silva oo soo gaaray Caasimadda Spain si uu ugu biiro naadigiisa cusub (Eeg Sawirrada)

(Madrid), 25 Janaayo 2015    -Laacibka cusub ee ...
pogba

SERIE A: Kooxda Juventus oo garaacday ChievoVerona, Inter Milan oo guuldarro la kulantay iyo kulamadii kale

(Torino) 25 Janaayo 2015 – Kooxda kubadda cagta ...
live

Waxyaabihii laga bartay kulankii kooxaha Liverpool iyo Bolton ee FA Cup

(Liverpool) 25 Janaayo 2015 – Malaha Liverpool ayaa ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile