Sunday, February 1st, 2015

Barnaamijyada

Barnaamijyada Gool FM waxay isugu jiraan kuwa soo gala maalin kasta, qaar toddobaadkiiba hal maalin soo gala iyo kuwo maalinta Jimcaha gaar u ah.

Maalinleyaal

No. Barnaamijka Qeexidda Barnaamijka Waqtiyada la baahiyo
1 News Bulletins Warka waa waxa ugu badan ee soo noqnoqonaya. Waxaa jiraya warar waaweyn oo faahfaahsan iyo warka saacadda oo kooban.Warka Idaacaddu wuxuu noqonayaa 100% mid lagu soo qaato arrimaha cayaaraha. War siyaasadeed haba yaraatee lagama baahiyo Gool FM Waxaa jira 3 war oo waaweyn oo soo kala gala 8da aroornimo, 2da duhurnimo, iyo 8da fiidnimo. Waxaa intaas dheer in saacad kasta uu soo galayo warka saacadda oo kooban.
2 Cayaaraha Soomaalida
(20 daqiiqo)
Waa barnaamij gaar u ah cayaaraha dalka iyo kuwa Soomaalida qurbaha Waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu soo qaato:Taariikhda kooxaha dalka ka jira iyo sidii loo tayeyn karo iyo guud ahaan horumarinta isboortiga dalka. Waxaa fursad la siinayaa kooxaha dalka ka dhisan, iyadoo la wareysanayo cayaartoyda, tababarayaasha iyo madaxda xiriirrada dalka. Maalin kasta (marka laga reebo Jimcaha) 09:30 subaxnimo. Waxaa lagu celiyaa 3:30 galabnimo.
3 Xiddigaha
(45 daqiiqo)
Barnaamijkan waxaa looga hadlayaa cayaartoyda caalamiga ah, iyadoo si gaar ah loogu soo qaadanayo: Suuqa kala-iibsiga cayaartoyda, xanta cayaartoyda ee suuqa ku jirta; Taariikhda cayaartoyda caalamiga ah, waxaana maalintiiba la soo qaadanayaa hal ciyaartoy. Maalin kasta (marka laga reebo Jimcaha) 10:05 subaxnimo. Waxaa lagu celiyaa 04:05 galabnimo.
4 Doodda Cayaaraha
(45 daqiiqo)
Waa barnaamij dood ah oo lagu faaqido arrin ku saabsan cayaaraha dalka iyo dibeddiisa: Waxaa laysku keenayaa laba kooxood ama laba qof iyo ka badan oo kala taageersan laba kooxood ama cayaartoy. Ka sokow dadka doodda ka qeybgalaya waxaa fursad la siinayaa dadweynaha si ay uga doodaan arrintaas. Maalin kasta (marka laga reebo Jimcaha) 11:05 subaxnimo.
5 Bandhigga Cayaaraha
(45 daqiiqo)
Waa barnaamij lagu soo bandhigo wax kasta oo ku saabsan cayaaraha hadday noqon lahayd kooxaha, cayaartoyda, horyaallada, natiijooyinka, iwm. Maalin kasta (marka laga reebo Jimcaha) 12:05 duhurnimo. Waxaa lagu celiyaa 05:05 galabnimo.
6 Faaqidaadda Cayaaraha
(60 daqiiqo)
Waa barnaamij lagu faaqido wararkii ugu weynaa ee isboortiga ee maalintaas ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa. Waxaa sidoo kale lagu soo qaataa wararkii soo kordhay. Habeen kasta (marka laga reebo habeenka Jimcaha) 9:30 fiidnimo.
7 Tebinta Tooska ah ee Cayaaraha
(120 daqiiqo)
Waa barnaamij lagu soo tebinayo dadka cayaarta ugu muhiimsan ee markaasi jirta: Waxaan xoogga saareynaa cayaaraha dalka gudihiisa iyo horyaallada reer Yurub iyo cayaaraha gudaha dalka ka socda oo si toos ah ay dadweynuhu idaacadda kala socon karaan. Mar kasta oo ay jiraan cayaaro toos ah..
8 Codka Dhageystaha
(45 daqiiqo)
Waa barnaamij dhageystayaasha siinaya fursad ay ku doodaan, gaar ahaan kuwa isugu yimaado garoomada cayaaraha. Weriyeyaasheena ku sugan garoomada ayaa fursad u siiya daawadayaasha inay soo bandhigaan aragtidooda ku aaddan hadba mowduuca laga hadlayo.Barnaamijku wuxuu sidoo kale soo bandhigaa ciyaaraha iyo heesaha ay soo bandhigaan taageerayaasha kooxaha. Habeen kasta oo Sabti, Isniin iyo Arbaco ah laga billaabo 07:05 fiidkii.
9 Sooyaalka Cayaaraha
(45 daqiiqo)
Wuxuu barnaamijku ka hadlaa taariikhda kooxaha (dalka gudahiisa ka dhisan iyo kuwa shisheeye) iyo horyaallada caalamiga ah. Waxaa sidoo kale barnaamijka looga hadlaa sooyaalka cayaaraha kale sida kubadda kolayga, laliska, iwm. Habeen kasta oo Axad, Talaado, iyo Khamiis ah laga billaabo 07:05 fiidkii.

 

Toddobaadleyaal 

No. Barnaamijka Qeexidda Barnaamijka Waqtiyada la baahiyo
1 Isboortiga & Nabadda
(20 daqiiqo)
Wuxuu barnaamijku ka hadlaa kaalinta ay cayaaruhu ka qaadan karaan nabadda iyo horumarka. Sabti kasta 02:30 duhurnimo
2 Martida Gool
(20 daqiiqo)
Waxaa barnaamijka lagu casumaa qof muhiim ah oo laga wareysto arrimo kala duwan. Axad kasta 02:30 duhurnimo
3 Isboortiga iyo Qurbaha
(20 daqiiqo)
Barnaamij soo bandhiga howlaha isboorti ee ay wadaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibeddiisa Isniin kasta 02:30 duhurnimo
4 Sharciyada Isboortiga
(20 daqiiqo)
Barnaamij dadka bara shruucda isboorti. Wuxuu cayaartoyda ku dhiirrigeliyaa inay yeeshaan anshax wanaagsan, wuxuuna ka hortagaa in taageerayaashu ay sameeyaan fowdo. Talaado kasta 02:30 duhurnimo
5 Haweenka & Isboortiga (20 daqiiqo) Barnaamij ka hadla kaalinta haweenku ku leeyihiin isboortiga. Wuxuu soo bandhigaa guulaha haweenka Soomaaliyeed ka gaareen isboortiga. Arbaco kasta 02:30 duhurnimo
6 Nolosha Cayaaryahanka
(20 daqiiqo)
Barnaamij ka hadla nolosha bulsho ee cayaartoyda, tababarayaasha, iwm. Wuxuu ka faalloodaa waxay jecel yihiin, waxay neceb yihiin, qoyskooda, ganacsigooda, iwm Khamiis kasta 02:30 duhurnimo

 

Barnaamijyada Jimcaha

Maadaama maalinta jimcaha ay dhageystayaasheenu ka nasanayaan howlihii toddobaadka, barnaamijyadeenu waa kuwo fudud.

No. Barnaamijka Qeexidda Barnaamijka Waqtiyada la baahiyo
1 Toddobaadka iyo Isboortiga
(20 daqiiqo)
Waa barnaamij dib u eegaya dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee isboortiga dalka iyo dibeddiisa. Jimce kasta 09:30 subaxnimo
2 Dowrka Suxufiga ee Horumarinta Isboortiga
(45 daqiiqo)
Waa barnaamij xoogga saaro kaalinta uu suxufigu ka qaadan karo horumarinta isboortiga Soomaaliya. Waxaa toddobaad walba lagu martiqaadaa weriye ka howl gala warbaahinta Soomaaliyeed. Jimce kasta 10:05 subaxnimo
3 Tartanka Aqoonta Isboortiga
(60 daqiiqo)
Waa barnaamij sare loogu qaadayo aqoonta dhageystayaashu u leeyihiin arrimaha isboortiga. Barnaamijka ayaa su’aalo weydiinaya dhageystayaasha, waxaana looga qeybgeli karaa khadka taleefoonka oo kaliya si dadweynaha kale u ogaadaan in su’aashii laga jawaabay iyo in kale. Qofkii su’aasha ka jawaaba wuxuu helayaa abaal-marin. Jimce kasta 02:30 duhurnimo
4 Salaamaha
(45 daqiiqo)
Waa barnaamij dadweynaha fursad u siiya ay isku dhaafsadaan salaamo iyo hambalyo. Jimce kasta 07:05 fiidnimo
5 Fanka & Isboortiga
(30 daqiiqo)
Wuxuu barnaamijka ka hadlaa xiriirka ka dhexeeya fanka iyo isbiirtiga, waxaa bahda fanka lagu dhiirrigeliyaa inay suugaan ka sameeyaan isboortiga. Jimce kasta 08:30 fiidnimo.

 

 

Aragtidiinu waa muhim

Comment


Wararka

Ivory Coast

Falanqeynta wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada Afrika ee xulalka Ivory Coast vs Algeria

  (Malabo) 01 Febraayo 2015 –  Wareegga siddeeda koobka ...
ghana_guinea

Horudhaca wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada Afrika ee xulalka Ghana vs Guinea

(Malabo) 01 Febraayo 2015 –  Wareegga siddeeda koobka ...
253A301500000578-0-image-a-103_1422744304652

Daawo Sawirradii ugu xiisaha badnaa kulamadii siddeed dhammaadka ee AFCON 2015

(Malabo), 1 Fabraayo  2015   -Waxaan idiin soo gudbinaynaa ...
zouma2

Taageerayaasha Chelsea oo ammaan dul dhigay da’yarkooda Kurt Zouma, kuna tilmaamay …

  (London) 1 Fabraayo 2015. Ciyaar cajiib ah ayuu ...
Arsenal-v-Aston-Villa-123

Falanqeynta kulanka Premier league ee kooxaha Arsenal vs Aston Villa

(London) 01 Febraayo 2015 –  Arsene Wenger ayaa ...
full-match-Barcelona-vs-Villarreal

Horudhaca kulanka horyaalka La Liga ee kooxaha Barcelona vs Villarreal

(Barcelona) 01 Febraayo 2015 –  Barcelona ayaa doonaysa ...
juve

Falanqeynta kulanka horyaalka Serie A ee kooxaha Udinese vs Juventus

(Udine) 01 Febraayo 2015 – Andrea Pirlo ayaa ...
milan

Horudhaca kulanka horyaalka Serie A ee kooxaha AC Milan vs Parma

(Milano) 01 Febraayo 2015 – AC Milan iyo ...
SASSUOLO-INTER-620x400

Falanqeynta kulanka Serie A ee kooxaha Sassuolo vs Inter Milan

(Sassuolo) 01 Febraayo 2015 – Kabtanka Inter Milan ...
s5

LA YAAB: Garsoore caan ah oo la bedeley kadib markii uu dhaawacmay! + Sawirro

(Genoa) 01 Feb 2015 - Garsoorihii dhex dhexaadinayay ...

GoolFM Mobile (USA)

GOOLMobile